Ismiidaamin lagu weeraray maqaayad ku dhow Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax jugtiisa laga maqlay qaybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa Arbacada maanta ah wuxuu ka dhacay magaala madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Weerarkaan ayaa lagu waramay in uu ka dhacay maqaayad ku dhow mid kamid ah baraha kontarool oo laga ilaaliyo ammaanka Madaxtooyadda kuna yaalo xafiiska madaxweynaha.

Fahfaahino horudhac ah ayaa tilmaamaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac. Taliska Booliska oo dhacdada xaqiijiyey wuxuu sheegay in ay ka shaqeynayaan tirokoobka waxyeelada.

Al-Shabaab ayaa inta badan waxay fulisaa falalka liddiga ku ah nabad-gelyadda ee ka dhaca magaalooyinka Soomaaliya haba ugu sii darnaato Muqdisho oo ay dadka ugu badan ku nool yihiin dalka.

Bartilmaameedkan ayaa kusoo hagaagaya maalin kahor furitaanka shirka looga tahasnayo masiirka doorashooyinka 2020-21 kaasoo u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo maamulada.

"Kontaroolka qaraxa lala eegtay waxaa ku taalo maqaayad mashquul badan. Bartaas kontarool waxaa sidoo kale lagu baaraa gaadiidka galeysa Madaxtooyadda," ayuu shegeeen goobjoogeyaal.

Ismaaciil Mukhtaar Cumar, afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta oo qaraxa ku sheegay is-miidaamin, ayaa xusay in saddex ay ku naf-waayeen, halka todoba kalena uu kasoo gaarey dhaawac.

"3 Qof ayaa dhimatay 7 kalana wey ku dhaawacmeen kadib markii Qof naftii halige ah uu isku qarxiyay Banaanka Maqayadda Blue Sky, dadka dhintay waxaa ku jira Ilma yar oo Caseeye ah oo illaa hadda aan meydkiisa la aqoonsan," ayuu kusoo qoray Twitter-ka.

Maleeyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa inta badan kordhiya weerarada noocaan ah marka lagu guda jiro mar-xalada guurka, iyagoo ka faa'iideysanaya mashquulka dhanka siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM