Qarax lagu weeraray ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya

Image

JOWHAR, HirShabelle - Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay jidka u dhexeeya Balcad iyo Jawhar maanta.

Idaacada VOA-da ayaa waxay illo wareedyo kasoo xigatay in weerarka lala beegsaday gaari ay leeyihiin ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Baabuurka ayuu qaraxu haleelay xili uu marayey degaanka Sayga oo Waqooyi ka xiga magaalada Balcad, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal kala duwan.

"Qaraxan ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen askar dhowr ah," ayuu yiri sarkaal magaciisa ka gaabsaday oo u waramay warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho.

Gurmad lagu daadguraynayo askarta ku dhaawacantay qaraxaasi ayaa lagu waramayaa in uu ka socdo meesha uu qaraxu ka dhacay oo ciidamadu gaareen.

Saraakiisha ammaanka gobolka iyo maamulka HirShabelle ayaanan wali fahfaahin buuxda ka bixin khasaaraha guud ee ka dhashay falkaas.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa looga bartay dhacdooyinka noocaan ah ee laga soo wariyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM