Qarax lagu weeraray garoonka diyaaradaha magaalada Buulburde

Image

BELEDWAYNE, Hiiraan – Qarax nooca miinada hormuudka lagu hago ayaa abaare afartii subaxnimo ee maanta wuxuu ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha magaaladda Buula-burde ee gobolka Hiiraan.

Laba qof oo kamid ah dadka degaanka ayaa khadka telefoonka ugu sheegay warsidaha Garowe Online in jugta qaraxa ay aad u xooganeyd. Ma jirin wax rasaas ama xabado ah oo la maqlay kadib qaraxa.

Cali Maxamed Cali [Indha-buur], taliyaha booliska degmadda oo tibaaxay in qaraxu ka dhacay nawaaxiga fariisinka ilaalada garoonka, ayaa tibaaxay in uusan jirin khasaaro nafeed oo qaraxu sababay.

Illo wareedyo amni ayaa xaqiijiyey in qaraxa kadib ay saacado hawada ka maqneyd isgaarsiinta magaaladda isla markaana ciidamaddu sameeyeen howlgalo aanan la ogeyn hadii ay dad kusoo qab-qabteen.

Bishii June 22-keeda sanadkan 2020 ayay ahayd markii qaraxyo isku xig-xigay oo gaarayay illaa laba ay burburiyeen dhismaha madaarka, kaasoo bishii Janaayo 13-keeda isla xagaagan lagu bilaabay howlo dayactir.

Mas'uuliyiin ammaanka ayaa dhacdadaas ku eedeeyay maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.

Garoonka diyaaradaha Buulaburde oo ammaankiisa ay qeyb ka sugaan ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayna wehliyaan xoogaga Macawiisleyda ayaa wuxuu ku yaala duleedka fog ee magaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM