Qarax lagu weeraray Kolanyo ka tirsan ciidamada Kenya [Fahfaahin]

Image

MANDHEERA - Xoogaga Al-Shabaab ayaa sheegtay in Qarax Miino ay kula eegteen ciidamo ka tirsan Booliska wadanka Kenya duleedka Magaalada Mandhere ee gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya.

Afhayeenka dhinaca howlgala ee Al-Shabaab Cabdi Caziiz Abu Muscab ayaa u sheegay warbaahinta ku hadasha afka Shabaab in weerarkaan ay khasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada Kenya, ee qeybta ka ah AMISOM.

Wuxuu tilmaamay in khasaaraha uu isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur lixaad leh oo soo gaaray Kolanyada ciidamada Kenya ay wateen, kuwaasoo ku socdaalayay Wadada duleedka Mandheere.

Balse, ma jirto illaa iyo haatan wax war ah oo ku saabsan qaraxa, oo kasoo baxay saraakiisha Degmada Mandheere, kuwa gobolka iyo Taliska ciidamada Booliska Kenya, marka laga soo tago sheegashada kooxda Al-Shabaab.

Asbuucii hore ayay ahayd markii weerar kan lamid ah oo ka dhacay magaaaldda Garissa looga dhaawacay ciidamada Kenya Lix sarkaal oo Boolis ah, uuna jiro burbur soo gaaray Gaadiid ay la socdeen.

Sidaasi si lamid ah, bishii hore ee May, weerar Miino loo adeegsaday oo ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu dilay saraakiil Boolis ah, waxaana ku dhaawacmay askar kale.

Kenya ayaa la daalaandhaceysa Mowjado weeraro ah, kuwaasoo uga yimaada Al-Shabaab tan iyo markii ay ciidamadeeda soo galeen Soomaaliya 16-kii bishii October ee sanadkii 2011-kii, si ay howlgalka AMISOM ugu biiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM