Qarax lagu weeraray maqaaxi lagu daawanayay final-ka Euro 2024

Image
Weerarkan ayaa imaanaya maalin kadib markii ciidamada nabad sugidda Soomaaliya ay fashiliyeen isku day baxsasho oo ka dhacay xabsiga dhexe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax gaari lagu hoobtay ayaa lala beegsaday goob shaaha laga cabo oo ku taalla bartamaha magaalada Muqdisho, xilli macaamiisheeda ay daawanayeen ciyaartii finalka Euro 2024 ee u dhaxeysay England iyo Spain.

Booliska Muqdisho ayaa sheegay in shan qof ay ku dhinteen weerarka, 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Qoraal ay Boliska ku soo qoreen Boggooda Facebook-ga ayay ku xaqiijiyeen in Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa oo la dhigay banaanka Maqaayadda Top Cafe uu Qaraxaasi ka dhashay.

Qof ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayay uu daawanayay ciyaarta ka socotay gudaha maqaayadda.

Shqsiga, oo si qarsoodi ah u hadlay cabsi uu u qabo ammaankiisa, ayaa sheegay in macaamiishii fadhiyay bannaanka kafateeriyada uu soo gaaray khasaaraha ugu badan.

Weerarkan ayaa imaanaya maalin kadib markii ciidamada nabad sugidda Soomaaliya ay fashiliyeen isku day baxsasho oo ka dhacay xabsiga dhexe ee Xamar kadib markii maxaabiis dabley ah oo isticmaalayey bastoolado iyo bambooyinka gacanta ay weerareen ilaalada xabsiga.
Saraakiisha ayaa sheegay in saddex ka mid ah ilaalada xabsiga iyo shan maxbuus oo mintidiin ah lagu dilay weerarkii Sabtidii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM