Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax miino ayaa Kolonyo ay wateen Ciidamada AMISOM lagu eegtay saakay abaare 8:00 a.m. lagula eegtay magaaladda Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay wadada u dhaxaysa Isgoyska Fagax iyo Xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, waxaana xigay rasaas daqiiqado socotay oo la sheegay inay ridayeen askarta AMISOM.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka, laakiin goobjooge ayaa sheegay in mid kamid ah gaadiidka gaashaaman ee AMISOM uu ku gubtay goobta, islamarkaana laga jiiday markii dambe.

Waa qaraxii labaad oo mudo labo todobaad gudihiisa isla jidkan gaadiidka AMISOM lagula eegto, sida dadka degaanka ay u sheegeen Warsidaha Garowe Online.

Degmooyinka ku yaalla waqooyiga Muqdisho ayaa ah kuwa ugu amniga xun, waxaana ku xoog badan Al-Shabaab oo inta badan degan halkaasi sidoo kalena kasoo qorsheysa weerarada qaraxyada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM