Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax miino ayaa Kolonyo ay wateen Ciidamada AMISOM lagu eegtay saakay abaare 8:00 a.m. lagula eegtay magaaladda Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay wadada u dhaxaysa Isgoyska Fagax iyo Xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, waxaana xigay rasaas daqiiqado socotay oo la sheegay inay ridayeen askarta AMISOM.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka, laakiin goobjooge ayaa sheegay in mid kamid ah gaadiidka gaashaaman ee AMISOM uu ku gubtay goobta, islamarkaana laga jiiday markii dambe.

Waa qaraxii labaad oo mudo labo todobaad gudihiisa isla jidkan gaadiidka AMISOM lagula eegto, sida dadka degaanka ay u sheegeen Warsidaha Garowe Online.

Degmooyinka ku yaalla waqooyiga Muqdisho ayaa ah kuwa ugu amniga xun, waxaana ku xoog badan Al-Shabaab oo inta badan degan halkaasi sidoo kalena kasoo qorsheysa weerarada qaraxyada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM