Qarax ka dhacay Jubada Hoose oo lagu dilay dad aroos u socday

Image

KISMAAYO, Jubaland – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo maanta ka dhacay gobolka Jubada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Qaraxa ayaa si gaar ah looga soo wariyey degaanka Haawina oo ku yaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobley.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in miinada ay la kacday gaari nooca raaxada ah oo ay shacab la socdeen.

"Aniga waxaan arkay dhimasho iyo dhaawac, laakiin ma xaqiijin karo khasaaraha guud," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka.

Idaacadda VOA-da ayaa ku warantay in afar qof ay ku nafwaayeen qaraxa. Dadka geeriyooday waxaa la sheegay in ay u socdeen aroos.

Laamaha ammaanka Jubaland ayaanan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadaan. Gaariga la qarxiyey ayaa kasoo baxay Dhoobley.

Ma cadda hadii bartilmaameedka uu ahaa baabuurka oo dadka la socday lagu sheegay dad shacab ah.

Degaanka Haawina oo aysan jirin cid si gaar ah gacanta ugu haysa ayaa weeraro noocaan ah lagula eegtay ciidamada Jubaland iyo AMISOM.

Sanadihii lasoo dhaafay, gacan ku haynta tuuladaan waxaa isku bedelay Ciidanka Daraawiishta Jubaland iyo maleeyshiyaadka xiriirka la leh Al-Qaacida.

Sanadkii 2009-kii ayay ahayd markii fal noocaan ah uu ka dhacay Haawina, wallow aanan si rasmi ah loo tirakoobin waxyeeladda guud ee ka dhashay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM