Qarax gaari oo ka dhacay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa abaare 8:00 am laga maqlay qeybo kamid ah Muqdisho, kaasoo lagu weeraray bar-koontarool oo ciidamada dowladda ku leeyihiin Isgoyks Ex-Koontrool Afgooye.

Goobjooge la hadlay warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa ismiidaamin loo adeegsaday gaari walxaha qarax laga soo buuxiyay.

Gaariga ayaa lagu dhuftay xafiiska ciidamada booliska uga qaadaan lacago canshuur ah gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo gobolka Shabeellaaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in khasaaro xoog leh oo shacab iyo askar soo gaarey uu ka dhashay qaraxa, iyadoo aan wali la ogeyn tirada rasmiga ah, maadaama uu socda gurmad, islamarkaana goobta ay gaareen gaadiidka ambalaaska.

Ma jirto wali cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, balse Kooxda Al-Shabaab ayaa looga bartay weerarada noocan ah ee ka dhaca dalka, kuwaasoo lala eegto xaruumaha dowladda, saldhigyada ciidan iyo huteelladda.

Waa markii labaad oo sanadkan sii dhamaanaya ee 2019-ka oo la beegsado goobtan oo sidoo kale ay ku taalo goob gaadiidka looga qaado lacago canshuur ah.

Goobtaas lagu qaado lacagta ayaa waxaa maamusha Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo ay ka joogaan howladeeno, wallow aanan wali la ogaan hadii dhankooda ay kamid yihiin dadka wax ku noqday weerarkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay ku heshiiyeen Xasan Sheekh iyo Al-Siisi?

Sidoo kale Madaxweyne Al-Sisi ayaa ku dhawaaqay in safaaradda Masar ee Muqdisho dib loo furi doono.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 02:41PM

Madaxweynaha Jubaland oo abaal-marin guddoonsiiyay Ciidamada Mareykanka 

Booqashadan ayaa imaneysa iyadoo ay weli taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysa maamulka Jubaland.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 08:59AM