Hotel ku yaala Muqdisho oo la weeraray, dabley gudaha u gashay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ka dhashay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa galabnimada Axada maanta ah wuxuu ka dhacay xeebta Liido ee magaala madaxda dalka Muqdisho.

Saraakiil boolis ayaa u sheegay Garowe Online in weerarka lagu ekeeyay Elite Hotel oo ku yaala afaafka hore ee xeebta caasimada. Dabley loo maleynayo Al-Shabaab ayaana gudaha u gashay.

Ciidamadda ammaanka oo goobta tegay ayaa isku dayey in ay u awood-sheegtaa dagaalameyaasha hubeysan si ay dib ugu soo celiyaan xaalada caadiga ahayd ee hotelkan loo tamashlo tago.

Maleeyshiyaadka oo ku hubeysan qoryo fudud iyo bam-bambaanooyin ayaa la tuhunsan yahay in ay halkaas ku haystaan dadyow badan oo kamida macaamiisha hoteelka caanka ah.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dadka ku waxyeeloobay ay kamid yihiin mas'uuliyiin ayaa la wariyey in uu sababay weerarkan.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadaan oo kasoo baxay laamaha ammaanka Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa dusha saartay mas'uuliyadda dhacdadaan.

Elite hotel oo horey ay Al-Shabaab laba jeer u weerartay waxaa macaamiisha kamid ah mudaneyaal ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ganacsato iyo qeybaha kale ee bulshada.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa inta badan bartilmaameedsata hoteelada iyo xarumaha kale ee ku yaala magaalooyinka marka ay ka biyo diidaan bixinta lacag baad ah oo ay u bixiyeen Zako.

Fahfaahinta kula soco wararkeena dambe

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM