Hotel ku yaala Muqdisho oo la weeraray, dabley gudaha u gashay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ka dhashay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa galabnimada Axada maanta ah wuxuu ka dhacay xeebta Liido ee magaala madaxda dalka Muqdisho.

Saraakiil boolis ayaa u sheegay Garowe Online in weerarka lagu ekeeyay Elite Hotel oo ku yaala afaafka hore ee xeebta caasimada. Dabley loo maleynayo Al-Shabaab ayaana gudaha u gashay.

Ciidamadda ammaanka oo goobta tegay ayaa isku dayey in ay u awood-sheegtaa dagaalameyaasha hubeysan si ay dib ugu soo celiyaan xaalada caadiga ahayd ee hotelkan loo tamashlo tago.

Maleeyshiyaadka oo ku hubeysan qoryo fudud iyo bam-bambaanooyin ayaa la tuhunsan yahay in ay halkaas ku haystaan dadyow badan oo kamida macaamiisha hoteelka caanka ah.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dadka ku waxyeeloobay ay kamid yihiin mas'uuliyiin ayaa la wariyey in uu sababay weerarkan.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadaan oo kasoo baxay laamaha ammaanka Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa dusha saartay mas'uuliyadda dhacdadaan.

Elite hotel oo horey ay Al-Shabaab laba jeer u weerartay waxaa macaamiisha kamid ah mudaneyaal ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ganacsato iyo qeybaha kale ee bulshada.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa inta badan bartilmaameedsata hoteelada iyo xarumaha kale ee ku yaala magaalooyinka marka ay ka biyo diidaan bixinta lacag baad ah oo ay u bixiyeen Zako.

Fahfaahinta kula soco wararkeena dambe

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM