Qaraxa khasaaro badan geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Image
Qaraxa ayaa ka dhacay xeebta Liido ee caanka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana xigay rasaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax weyn ayaa fiidnimadii Jimcaha ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyadoo ciidamada booliska ay ka baqayaan in khasaare dhimasho iyo dhaawac badan, sida laamaha amnigu sheegeen.

Qaraxa ayaa ka dhacay xeebta Liido ee caanka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana xigay rasaas.

Sarkaal ka tirsan Booliska Axmed Cabdi oo khadka Taleefanka kula hadlay Anadolu ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa booliska iyo laamaha kala duwan ee ammaanka ay u soo yaaceen dhanka xeebta oo ay ku yaalaan dhowr hotel.

Weerarka ayaa ka dhacay halkaasi, waxaana la xiray wadada dheer ee hormarta goobta uu qaraxa ka dhacay, ayuu hadalkiisa ku daray.

"Ma garanayno waxa dhabta ah ee ka dhashay qaraxa, balse waxa uu u muuqdaa weerar ismiidaamin ah," ayuu yiri Cabdi, oo intaas ku daray " sidoo kale ma garanayno inta qof ee ku dhintay ama ku dhaawacantay."

Si kastaba ha ahaatee, dhawaqa qaraxa iyo rasaasta ka dhacday agagaarka Liido waxay sheegaysaa inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, sida uu sheegay.

Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa waxaa inta badan ku sugan dad shacab ah, saraakiisha ammaanka, iyo dad ganacsato ah.

Al-Shabaab sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Si kastaba ha ahaatee, kooxda argagixisada ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa horey u fulisay una sheegatay mas'uuliyadda weerarradii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM