Qaraxa khasaaro badan geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Image
Qaraxa ayaa ka dhacay xeebta Liido ee caanka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana xigay rasaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax weyn ayaa fiidnimadii Jimcaha ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyadoo ciidamada booliska ay ka baqayaan in khasaare dhimasho iyo dhaawac badan, sida laamaha amnigu sheegeen.

Qaraxa ayaa ka dhacay xeebta Liido ee caanka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana xigay rasaas.

Sarkaal ka tirsan Booliska Axmed Cabdi oo khadka Taleefanka kula hadlay Anadolu ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa booliska iyo laamaha kala duwan ee ammaanka ay u soo yaaceen dhanka xeebta oo ay ku yaalaan dhowr hotel.

Weerarka ayaa ka dhacay halkaasi, waxaana la xiray wadada dheer ee hormarta goobta uu qaraxa ka dhacay, ayuu hadalkiisa ku daray.

"Ma garanayno waxa dhabta ah ee ka dhashay qaraxa, balse waxa uu u muuqdaa weerar ismiidaamin ah," ayuu yiri Cabdi, oo intaas ku daray " sidoo kale ma garanayno inta qof ee ku dhintay ama ku dhaawacantay."

Si kastaba ha ahaatee, dhawaqa qaraxa iyo rasaasta ka dhacday agagaarka Liido waxay sheegaysaa inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, sida uu sheegay.

Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa waxaa inta badan ku sugan dad shacab ah, saraakiisha ammaanka, iyo dad ganacsato ah.

Al-Shabaab sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Si kastaba ha ahaatee, kooxda argagixisada ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa horey u fulisay una sheegatay mas'uuliyadda weerarradii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM