"Qaraxii Ex-kontarool waxaa lagu sameeyay canshuurta Muqdisho"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, ayaa ka tacsiyeeyey weerarkii ismiidaaminta ee maanta ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee magaaladda Muqdisho.

Ummadda Soomaaliyeed ayuu ku tartarsiiyey in ay gunta dhiisha isaga dhigto u gurmashadda dadka wax ku noqday qaraxa iyo eheladooda.

Dhalinyaradda Al-Shabaab ee "la marin-habaabiyey" ayuu sidoo kale ku waaniyey in ay kasoo baxaan ururka, isagoo sheegay in ficiladooda aysan meelna raad uga lahayn Diinta suuban ee Islaamka.

"Afkaartan ma ahayn afkaar Diineed, waa afkaar ka timid dibadda oo Diinta lagu xumeynaayo oo Ummadda Soomaaliyeed lagu cibaaqabayo," ayuu raaciyey hogaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran.

Dhinaca kale, hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran, ayaa ku dhaliilay dowladda madaxweyne Farmaajo in ay sugitaanka amniga Muqdisho u mareyso "istaraatiijiyad fashilantay saddexdii sano ee lasoo dhaafay".

"Marka laysku daro qaraxan iyo kii Soobe [dhimashada] aadey u badan tahay, waxa keenayana waa istaraatiijiyada qaldan ee amniga loo sugayo, oo u suurtagelineysa in cadowgu doorto xiliga iyo meeshuu rabo".

Saraakiisha ammaanka ee u xilsaarnaa meesha uu qaraxu ka dhacay ayuu cod dheer kusoo jeediyey in lala xisaabtamo, isagoo ku eedeeyay in dowladdu ka gaabisay mas'uuliyadeeda badbaadinta shacabka.

"Dowladdu waxay sababtay in dadka magaaladda Muqdisho la canshuuro oo canshuurtooda lagu dilo. Qaraxa maanta ka dhacay Ex-kontarool waa canshuurta dadka magaaladda Muqdisho laga qaadey," ayuu ku daray.

Qaramadda Midoobay ayaa bishii November, 2019, shaacisay in Al-Shabaab markii ugu horeysay awood u yeelatay in ay sameysato qaraxyadda.

Baareyaasha ayaa aaminsan in Al-Shabaab ay joojisay ka ganacsiga dhuxusha, isla markaana u wareegsatay "nidaam mooryaanimo ah" oo ay lacago kaga qaadeyso dadka shacabka ah ee magaalooyinka ku nool.

Magaalo madaxda Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ay ka hesho dakhliga Zakawaadka. Dekadda Muqdisho iyo guryaha waxaa lagu sheegaa in ay kamid yihiin ilaha ugu badan ee dhaqaalaha ay ka hesho kooxdan.

MUUQAALKA SHARIIF

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM