Qaraxyo ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Qaraxyo Kolanyo ka tirsan ciidamada AMISOM lagu eegtay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, saaka oo Arbaco ah, sida ay xaqiijiyey goobjooge.

Qaraxyadda oo ahaa kuwa culus ayaa waxaa mid kamid ah uu haleelay Gaadiidka Gaashaaman ee AMISOM, halka midka labaad la sheegay inuu Qaraxay markii Kolanyadda ay gudubtay, sida ay dadka degaanka sheegayaan.

Warar ayaa sheegaya inuu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weeraradaan Qaraxyadda loo adeegsaday, kuwaasoo soo gaaray Askarta AMISOM iyo Dadka shacab ah, balse tirada rasmiga ah wali lama xaqiijin.

Inta la hubiyay Hal qof oo shacab ahaa lagu soo waramayaa inuu ku dhaawacmay Qaraxa, inkastoo aanan la ogayn Khasaaraha ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM kasoo gaaray weerarkaan.

Ciidamadda Midowga Africa, ee qaraxa lala beegsaday ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhanka gobolka Shabeellaha Dhexe, ayna kusoo jeedeen gudaha Magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaara ahaan xerada Xalane.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxyadaan, balse, xoogaga Al-Shabaab ayaa inta badan weeraradda noocaan ah ka fuliya Magaalada iyo degaanadda kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Howlgalka Nabad Ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM wali war kama aysan soo saarin weerarka maanta ciidamadooda lagula beegsaday xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmadda Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Qaraxyadaan ayaa kusoo beegmaya xili dabayaaqadda bishii hore ee July ciidamada AMISOM Qarax lagu eegtay isla xaafada Suuqa Xoolaha, markaasoo Rasaas ay fureen ay dishay Dad tiradooda lagu sheegay Saddex ruux oo shacab ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM