Ciidamada AMISOM oo rayid ku laayey Muqdisho markii la qarxiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo qarax oo xoog leh ayaa maanta oo Sabti ah ka dhacay magaaladda Muqdisho, kuwaasoo geystay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaarey shacab, askar iyo mas'uul.

Qaraxa kowaad ayaa ka dhacay xaafadda Xoosha ee degmada Dharkeenley, waxaana lala eegtay gaari uu watay gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee degmada Kaxda Xasan Cali.

Jugta qaraxa oo ka dhashay miino wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa laga maqlay qeybo kamida degmada Dharkeenley, iyadoo saraakiisha booliska oo goobta tagey ay xaqiijiyeen inuu ku dhaawacmay gudoomiye ku xigeenka, sidoo kalena ay ku dhinteen labo askari, oo ilaalo u ahayd.

Qarax kale oo isna miino ah ayaa kolonyo AMISOM lagula eegtay nawaaxiga Ex-control Balcad, ee degmada Hilwaa, kaasii sababay khasaarooyin kala duwan oo shacab iyo ciidan soo gaarey, sida dadka degaanka ay xaqiijiyeen.

Ciidamada AMISOM ayaa furey rasaas culus kadib qaraxa, waxaana la sheegay inay rasaasta ku dhaawacmeen dhowr qof oo jidka marayay, waxaana la ogeyn khasaaraha soo gaarey askarta midowga Africa.

Wararka ayaa sheegaya in ay sidoo kale jirto dhimasho rayid kasoo gaartay xabadaha cutubyadda howlgalka Midowga Afrika.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda labada qaraxa ee maanta ka dhacay koonfurta iyo waqooyiga magaaladda Muqdisho, kuwaasoo qeyb ka ah falal lidi ku ah amniga oo caasimadda ka dhacaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dastuurka iyo Doodda Taagan: Is-bahaysiga Mucaaradka oo kordhiyay cadaadiska Villa Somalia

Madaxda Puntland iyo Jubaland, oo uu weheliyo Golaha Mustaqbalka, ayaa dalbanaya in shirka lagu qabto xerada Halane.

  • Soomaliya

    11-02-2026

  • 01:30PM

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM