Qaraxyo dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Goofguduud

Image

BAYDHABO - Wararka laga helayo gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan oo sababay dhimasho badan uu ka dhacay saacadihii hore ee maanta degaanka Goofgaduud Buurey, oo duleedka Baydhabo ku yaalla.

Qaraxyada oo ahaa ahaa miinooyin gaaraya 4 ayaa ka dhacay gudaha Suuq Xoolaha lagu iibiyo oo maalinta Arbacada aad u mashquul badan, islamarkaana ay isagu yimaadaan ganacsato iyo dad xoolaha ka keena degaanada baadiyaha ah.

Miinooyinka ayaa dadka degaanka sheegeen in xalay lagu sii diyaariyay gudaha Suuqa, maadaama la ogyahay in maanta oo kale mashquulkiisu badan yahay.

Ugu yaraan shan ruux oo shacab ah ayaa ku dhimatay qaraxyada iyadoo in ka badan 50 kale ay ku dhaawacmeen, sida uu xaqiijiyeen Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed, Nuuradiin Yuusuf Abuukar "Gamca".

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxyada Goofgaduud, oo ah degaan istaraatiiji ah, oo qiyaastii 30-KM dhanka galbeeda uga beegan Baydhabo.

Degaanka ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo dhowr jeer ay xoogaga Al-Shabaab weeraro kusoo qadey, oo xitaa mararka qaar la wareegayay gacan ku heyntiisa, iyagoo ku diley Askar badan.

Fahfaahin dheeraad ah, kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM