Qaraxyo iyo weerar khasaaro geystay oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxyo iyo weerar saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay koonfurta Soomaaliya gaar ahaan gobolada Shabeellaha Hoose iyo Dhexe.

Hal qof ayaa dhintay, mid kelana waa dhaawac markii Jimcadii duleedka degaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ay kula qaraxdey Miino xilli ay ku socdaalayeen mooto Faykon ah.

Laba askari ayaa ku geeriyootay, afar kale oo rayid kamid yihiin waxaa soo gaarey dhaawac kadib miino kula qaraxdey mehrad ay ku sugnaayeen gudaha degaanka Qalimow, duleedka Balcad ee Shabeellaha Dhexe.

Milatariga Soomaaliya ayaa sheegtay in horjoogayaal Al-Shabaab ah uu ku dilay weerar uu ku qabsaday degaanka Kuntuwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuna sii jeedo magaaladda Sablaale ee gobolkaas.

Warbaahinta ku hadasha afka ciidamadda ayaa soo bandhigtay magacyadda afar xubnood oo ay warisay in howlgalkaas lagu dilay.

Madaxa Jugta Culus ee Gobalka Sh.Hoose Maxamuud Axmed Gaboobe Raage [Daariq], Madaxa Maaliyadda Kuntuwaareey Qaalid Cumar Sariix, Madaxa Maxkamadda Kuntuwaareey iyo nawaaxigeeda Muxsin Sheekh Cali iyo Madaxa Jabhadda ka howlgasha Kuntuwaareey [Saalaxudiin].

Sidoo kale, waxay sheegeen in ay soo furteen 33 caruur ah oo ay Al-Shabaab maxbuus ahaan u haysteen isla markaana doonayeen in ay askareeyaan.

Isaaq Cali Subug, wasiirka amniga Koonfur Galbeed oo u hambalyeeyay ciidamadii howlgalkaas qaadey ayaa xusay in uu sii socon doono.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdooyinkaas oo kasoo baxay dhanka xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Dhanka kale, tobban kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa habeenimadii Khamiista waxaa lagu weeraray bam-gacmeedyo. Ma jiro war ku saabsan qaraxyadaas oo kasoo baxay laamaha amniga.

Tan iyo markii dalku uu galay jahwareerka siyaasadeed ee ka dhashay is-qabqabsiga arrimaha doorashooyinka iyo kalsoonida kala noqoshadii xukuumadda, Al-Shabaab ayaa xoojisay ficilada liddiga ku ah ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM