Qaraxyo ka dhacay Marka iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MARKA, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Qaraxyo ka dhacay maanta oo Isniin ah gudaha Magaaladda Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Qaraxyadda oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayay dadku tilmaamayaan in lagu beegsaday Kolanyo ka tirsan Milatariga Soomaaliya, kuwaasoo saaka si buuxda ula wareegay gacan ku haynta Magaaladda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada markii ay la wareegeen Magaaladda ay bilaabeen howlgal culus, kaasoo ay ku baarayaan xaafadaha iyo goobaha ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Maadey Nuur Cali, oo ka tirsan dadka degaanka ee Magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in ciidamadda ay sameynayeen howlgal Miino baaris ah.

"Ciidamadda oo wada howlgal Miino baaris ah ayaa waxaa ku qaraxday Labo Miino. Ma garan karo hadii ay la kacday baabuur ama Askar, maxaa yeelay dadku uma ogoleen inay usoo dhawadaan," ayuu yiri Cali.

Al-Shabaab oo dhusha-saaratay masuuliyadda Qaraxyadda ayaa tilmaamtay inay ku beegsatay Kolanyo ka tirsan ciidanka dowladda, islamarkaana ay ku dhisay Askar aysan tiradodoa cayimin.

Ciidamadda saaka oo Axad ah la wareegay maamulka Magaaladda Marka ayaa waxaa horkacaya Jenaraal Cabdullaahi Cali Caanood, kaasoo Khamiistii lasoo dhaafay laga qaaday xilka Abaanduulaha ciidanka xooga.

Janaraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa maalin kahor waxa uu ka badbaaday isku-day dil, kadib markii Qarax lagu weeraray Kolanyo uu la socday oo mareysay duleedka degaanka Shaleembood.

Xaaladda Magaaladda Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa haatan degan, inkasta oo mararka qaarkood la maqlay Rasaas teel-teel ah oo ay ridayaan ciidanka dowladda, taasoo shacabka baqdin gelinaysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM