​Qaraxyo khasaaro geestay oo ka dhacay Leego

Image

LEEGO, Somalia- Labo qarax oo khasaarooyin kala duwan geestay ayaa ka dhacay saacadihii lasoo dhaafay deegaanka Leego, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Qaraxyada oo ahaa Miinooyin dhulka lagu aasay ayaa midka hore waxa uu ka dhacay nawaaxiga saldhiga booliska deegaanka Leego, waxaana ku dhintay Sarkaal military oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Axmed.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay GO ayaa sheegay in qarax labaad uu ka dhacay saakay goob maqaaxi ah, oo inta badan fariistaan askar katirsan Booliska Somalia.

Hal Askari ayaa ku geeriyooday, labo kale oo qof shacab ah uu kamid yahayna dhaawac ayaa kasoo gaarey qaraxa miinada loo adeegsaday, kaasi oo lagu aasay gudaha meheradaasi.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerarada Leego.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha maamulka deegaankaasi oo ku aadan falalkaas amni darro.

Askar badan oo u dhashay Burundi, kana tirsanaa AMISOM ayaa lagu dilay weerarka Al shabaab ku qaadeegan saldhig ay ku leeyihiin Deegaanka Leego  Bishii June, 2015.

GAROWEONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM