​Qaraxyo khasaaro geestay oo ka dhacay Leego

Image

LEEGO, Somalia- Labo qarax oo khasaarooyin kala duwan geestay ayaa ka dhacay saacadihii lasoo dhaafay deegaanka Leego, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Qaraxyada oo ahaa Miinooyin dhulka lagu aasay ayaa midka hore waxa uu ka dhacay nawaaxiga saldhiga booliska deegaanka Leego, waxaana ku dhintay Sarkaal military oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Axmed.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay GO ayaa sheegay in qarax labaad uu ka dhacay saakay goob maqaaxi ah, oo inta badan fariistaan askar katirsan Booliska Somalia.

Hal Askari ayaa ku geeriyooday, labo kale oo qof shacab ah uu kamid yahayna dhaawac ayaa kasoo gaarey qaraxa miinada loo adeegsaday, kaasi oo lagu aasay gudaha meheradaasi.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerarada Leego.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha maamulka deegaankaasi oo ku aadan falalkaas amni darro.

Askar badan oo u dhashay Burundi, kana tirsanaa AMISOM ayaa lagu dilay weerarka Al shabaab ku qaadeegan saldhig ay ku leeyihiin Deegaanka Leego  Bishii June, 2015.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Abaabulaya Kacdoon Shacab xili barakicinta dagaal isku bedeshay

Saacado kadib markii mucaaradka iclamaaliyay kacdoonka shacab, xaafadda Warlaliska oo degmada Deyniile katirsan.

  • Soomaliya

    06-05-2026

  • 09:30PM

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM