Qaraxyo loo maleegay gudoomiyaha maxkamada ciidanka oo la fashiliyey

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaraxyo culus ayaa laga soo saarey wadada isku xirta magaalooyinka Beledxaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo, sidda ay sheegeen saraakiil ammaan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Sidda laga soo xitay illo wareedyo muhiim ah, qaraxyadda oo nooca culus ah ayaa lasoo saarey Talaadadii, 15-ka September, 2020-ka.

Saraakiisha amniga ayaa rumeysan in bartilmaameedka qaraxyaddaan uu ahaa wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Gaashaanle Sarre Xasan Cali Nuur [Shuute].

Mr Shuute ayaa gobolka u jooga maxkamadeynta eedeysaneyaal lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

"Ciidamadda u tababaran in ay soo saaraan miinooyinka ayaa ku guuleystay in ay si nabad ah ku fashiliyeen dhagartaan ay maleegtay argagixisada. Xogta goobta ay ku aaseen Miinada waxaan ka helnay ciidamadeena aan la aqoonsan [dhar cadka]," ayuu yiri sarkaal u waramay Garowe Online.

Al-Shabaab ayaa joogitaan culus ku leh degaanada dhaca gobolka Gedo, halkaasoo ay ku beegsato ciidamada shisheeye iyo kuwa Soomaaliya, iyaddoo adeegsaneysa xeelado isugu qarax iyo weerar toos ah.

Bishii September, 25-keeda sanadkii 2019-kii, Shuute ayaa ka badbaadey qarax miino oo kolanyo uu la socday lagula eegtay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Shuute ayaa waqtigaas kasoo laabtay xerada Ceel Saliini ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo uu habeenkii ku hoyday. Booqashadaas waxay timid maalmo kadib markii Al-Shabaab ay weerartay saldhigaas ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM