Qatar Airways oo muddeysay dib u bilaabida duulimaadyada Muqdisho

Image

DOOXA, Qatar – Shirkadda diyaaradaha Qatar Airways ayaa daboolka ka qaadey in duulimaadyadda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay dib u bilaabeyso 6-da bisha September ee sanadkan aynu ku jirno 2020-ka.

Iyaddoo duulimaadyadan ay yihiin saddex maalmood todobaadkii, war-saxaafadeed ay soo saartey ayay ku xaqiijisay in ay adeegsan doonto nooca diyaaradda ay farsameyso shirkadda Airbus A320.

Airbus A320 ayaa ka kooban laba nooc oo ah; mid leh 12 kursi, waxaana loogu talogalay ganacsiga, halka nooca kale oo leh 120 kursi loogu talagalay dadweynaha, waxaana laga sameeyaa dhaqaale.

Marka lagu daro Muqdisho, Qatar Airways ayaa duulimaadyo ku tagta sagaal magaalo oo qaaradda Afrika ah. Addis Ababa, Dar es Salaam, Djibouti, Kigali, Kilimanjaro, Nairobi, Tunis iyo Zanzibar ayaa wehliya.

Tani macnaheedu wuxuu yahay in 40 duulimaad ay todobaadkii sameyn doonto shirkaddan kamid kuwa ugu caalamisan aduunka.

Akbar Al Baker, madaxa fulita Qatar Airways oo farxad ka muujiyey in ay dib u bilaabaan duulimadyadda Muqdisho, ayaa sababta ay u xusheen ku sheegay in ay tahay magaaladda ugu caansan guud ahaan dalka.

"Qatar Airways waxay mar walba u taagan tahay in ay qanciso macaamiisheeda ku sugan gudaha dalka iyo daafaha caalamka," ayuu yiri.

Duulimaadyadda caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa waxaa horey loogu hakiyey sabab la xiriirta safmarka Coronavirus. Balse, dowladda federaalka ah waxay qaadey xayiraadda, arrintaas oo keentay in duulimaadka bilowdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM