Qaxootiga imaanaya Soomaaliya oo la diiwaan-gelinayo

Image
Image
Image
Image
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Hay’adda Qaxootiga Qaran ayaa kawada shiray qadiyaddan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir howleed ay iskugu yimaadeen Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Hay’adda Qaxootiga Qaran ayaa maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Shir howleedkan oo looga hadlayay xoojinta wadashaqeynta labada hay’addood, ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul), iyo Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Qaranka Dr Aamina Siciid Cali iyo mas'uuliyiin ka kala socday labada hay’adood.

Ugu horeyn, Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali oo ka hadlay shirka ayaa tilmaamay muhiimada ay Qaranka Soomaaliyeed iyo shacabkiisa u leedahay wadashaqeynta labada hay’adood.

Agaasimuhu wuxuu kaloo sheegay ujeedada ugu muhiimsan ee shirkan loo abaabulay inay tahay sidii labada hay’addood uga wadashqeyn lahaayeen isla markaana u hubin lahaayeen dadka dalka ku imaanaya xaaladda qaxootinimo.

Guddoomiye Hay'adda Qaxootiga Qaranka Marwo Aamino Siciid Cali ayaa soo dhaweeysay soo jeedinta Agaasimaha Guud ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo ku saabsaneyd wadasheynta labada hay’addood waxay kaloo shirka uga warbixisay halka ay marayaan xaalada qaxootiga iyo Barakacayaasha dalka ku sugan.

Shirkan oo hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay dalabkiisa laheed ayaa qodobada looga wadahadlay waxaa ka mid ahaa; is dhaafsiga xogta qoxootida dalka jooga, in laga wadashaqeeyo diiwaan-gelinta qaxootiga dalka imaanayo, iyo sidii loo howlgalin lahaa Guddigii qaran ee go’aan ka gaarista qaxootiga iyo magangalyo doonta dalka imaanaya.

Ugu dambeyn, Dhamaan qodobadii shirka looga hadlay waa la isku afgartay waxaana lagu balamay in Guddi howleed hore u jiray ay u soo gudbiyaaan madaxda labada hay’addood hab-raac shaqo oo ay hore u diyaariyeen guddigu, iyadoo la tixgalinayo Sharciga Socdaalka iyo sharciga qaxootiga Qaranka oo ay ku shaqeeyaan labada hay’addood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM