Qaylo-dhaan la xiriirta Soomaaliya oo loo diray caalamka

Image
Deeq-bixiyeyaasha ku mashquulsan Ukraine ayaa lagu booriyey in ay markan indhaha soo aadiyaan Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubintii ugu horeysay ee kamid ah Golaha Wasiirada waddanka Mareykanka ah oo booqda Soomaaliya tan iyo sanadka markii uu ahaa 2015 ayaa ku booriyay deeq bixiyayaasha caalamka ee mashquulsan in ay si deg deg ah u caawiyaan "dalka oo wajahaya macluul daran taasoo khatar ku ah nolosha malaayiin ruux".

Ergayga Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield oo booqasho ku timid Muqdisho, ayaa la kulantay madaxda qaranka oo uu ku jiro madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

"Qaar badan oo ka mid ah deeq-bixiyeyaasha ayaa gacmahooda dhaqday oo diiradda saaray Ukraine," ayuu isku duwaha dadka deggan Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Adam Abdelmoula, ayaa u sheegay Thomas-Greenfield xilli uu warbixin kooban ka jeediyay Muqdisho.

Safiirka Mareykanka ayaa diidey in ay sheegto magacyada dalalka ay fariinta u direyso balse waxay raacisay: "Wadamada waa ay garanayaan cidda aan ka hadleyno".

"Midowga Yurub, tusaale ahaan, waxa uu 10% kaliya bixiyay qorshaha wax ka qabashada bini'aadantinimo ee Soomaaliya sannadkii hore," ayuu Abdelmoula u sheegay Associated Press.

Midowga Yurub wuxuu bixiyay $74 milyan halka UK ay ku deeqdey $78 milyan, sida lagu sheegay xogta Qaramada Midoobay. Japan waxay ku tabarucdey aduun $27 milyan, Sacuudigana $22 milyan.

Dhanka kale, Mareykanka, wuxuu bixiyay ku dhawaad ​​80%, isagoo $1.3 bilyan siiyay Soomaaliya tan iyo billowgii sanad xisaabeedka 2022-ka. Linda ayaa Axadii ku dhawaaqay $40 milyan oo kale.

Linda ayaa khudbadeeda waxay ka jeedisay gudaha xarunta diblomaasiyiinta ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho ama loo yaqaano Xalane. Xubnihii ugu dambeeyay ee kamid ah Golaha Wasiirada Mareykanka ee booqda Soomaaliya wuxuu ahaa John Kerry oo ahaa Xoghayihii Arrimaha Dibadda bishii May ee sanadkii 2015-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM