Qaylo-dhaan la xiriirta Soomaaliya oo loo diray caalamka

Image
Deeq-bixiyeyaasha ku mashquulsan Ukraine ayaa lagu booriyey in ay markan indhaha soo aadiyaan Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubintii ugu horeysay ee kamid ah Golaha Wasiirada waddanka Mareykanka ah oo booqda Soomaaliya tan iyo sanadka markii uu ahaa 2015 ayaa ku booriyay deeq bixiyayaasha caalamka ee mashquulsan in ay si deg deg ah u caawiyaan "dalka oo wajahaya macluul daran taasoo khatar ku ah nolosha malaayiin ruux".

Ergayga Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield oo booqasho ku timid Muqdisho, ayaa la kulantay madaxda qaranka oo uu ku jiro madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

"Qaar badan oo ka mid ah deeq-bixiyeyaasha ayaa gacmahooda dhaqday oo diiradda saaray Ukraine," ayuu isku duwaha dadka deggan Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Adam Abdelmoula, ayaa u sheegay Thomas-Greenfield xilli uu warbixin kooban ka jeediyay Muqdisho.

Safiirka Mareykanka ayaa diidey in ay sheegto magacyada dalalka ay fariinta u direyso balse waxay raacisay: "Wadamada waa ay garanayaan cidda aan ka hadleyno".

"Midowga Yurub, tusaale ahaan, waxa uu 10% kaliya bixiyay qorshaha wax ka qabashada bini'aadantinimo ee Soomaaliya sannadkii hore," ayuu Abdelmoula u sheegay Associated Press.

Midowga Yurub wuxuu bixiyay $74 milyan halka UK ay ku deeqdey $78 milyan, sida lagu sheegay xogta Qaramada Midoobay. Japan waxay ku tabarucdey aduun $27 milyan, Sacuudigana $22 milyan.

Dhanka kale, Mareykanka, wuxuu bixiyay ku dhawaad ​​80%, isagoo $1.3 bilyan siiyay Soomaaliya tan iyo billowgii sanad xisaabeedka 2022-ka. Linda ayaa Axadii ku dhawaaqay $40 milyan oo kale.

Linda ayaa khudbadeeda waxay ka jeedisay gudaha xarunta diblomaasiyiinta ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho ama loo yaqaano Xalane. Xubnihii ugu dambeeyay ee kamid ah Golaha Wasiirada Mareykanka ee booqda Soomaaliya wuxuu ahaa John Kerry oo ahaa Xoghayihii Arrimaha Dibadda bishii May ee sanadkii 2015-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM