Qaylo-dhaan laga soo saarey British "ku xiran" Soomaaliya

Image

LONDON, Britain - Qoyska muwaadin u dhashay Ingiriiska oo labadii sano ee lasoo dhaafay ku xiran Soomaaliya ayaa soo saarey qaylo-dhaan ay ku dalbanayaan in lasoo gabagabeeyo "xarigiisa sharci daradda ah".

Reerka David Taylor oo ay soo xigatay majaladda The Gruardian ayaa tibaaxay in 45-sano jirkan uu wajahayo "tacadiyo bini'aadanimada ka baxsan, jirdil, handadaadyo dil ah iyo su'aallo waydiin cagajugleyn wehliso".

Wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska oo kiiskiisa lagu wargeliyey April, 2019 ugu yaraanna gabood-falada uu la kulmayo la ogeysiiyey November, 2019 ayay ku eedeeyeen in ay "ka gaabineyso la tacaalida xaalkiisa".

Sida laga soo xigtay dukumiintiyo ay jariiradda soo xigatay, Taylor waxaa xadgudubyadaas u geysanaya saraakiil ka tirsan mukhaabaraadka Mareykanka oo "dano gaar ah ka dhex-arka gal-dacwadeedkiisa".

"Markii ugu dambeysay oo ay wareysteen laba sarkaal oo isku sheegtay in ay yihiin wakiilo ka socday FBI-da waxay ahayd 30-kii June, 2021 kuwaasoo su'aallo ku waydiiyey Muqdisho," ayay raacisay warbixinta.

Sidee loo qabtey Taylor?

Dukumiintiyada ayaa intaas ku daraya "in dhibaatooyinka sida joogtada ah uu ula kulmo David Taylor ay kamid yihiin madax biyo-u-gelin, koronto ku qabasho iyo neef ku celin si uu u ogolaado in uu la shaqeeyo CIA".

Taylor wuxuu Soomaaliya yimid guursadeyna 2009, balse 13-kii Abriil 2019, ayaa la qabtay markii uu ugu safray Yemen isagoo goobaya caawimaad qunsuliyad si uu u beddelo baasaboorkiisa oo lumay kuna laabto London.

Waxaa la geeyay xero milatari seddex bilood ka dib, sida ku cad dukumiintiyada, “waxaa loo sheegay in qof ka socda CIA uu doonayo inuu arko "John" kaasoo ku hadlayey lahjada luuqadda English-ka ee Ameerikaanka".

19-kii Sebtember 2019, waxaa loo soo wareejiyay Muqdisho, ka dibna waa la xiray, indhahana waa laga xiray, katiinado ayaa lagu xiray, waxaana loo kaxeeyay meel uu tuhunsan yahay inay tahay magaalada Jannaale, oo qiyaastii 60 mayl koonfur-galbeed ka xigta caasimadda Soomaaliya. Xukuumada London ayay qoyskiisa ku eedeeyeen in ay "hilmaamtay Taylor".

Dabayaaqadii 2019, Taylor waxaa loo wareejiyay xabsiga dhexe ee Muqdisho halkaas si gaar ah qol ay ku jiraan 59 maxbuus oo kale, oo ay ku jiraan maleyshiyaad ka tirsan argagixisadda lehna kaliya hal musqul [suuli].

Noloshiisa xabsiga Muqdisho

Sidoo kale waa isla qolka ku jiray muwaadin Ingiriis ah ahna qandaraasle amniga Antony Cox oo isku dil loona adeegsaday sakiin ku sameeyeen laba maxbuus oo lala xiriiriyey kooxda Daacish bishii Janaayo sanadkii 2019.

Cox, oo ka badbaaday weerarka, ayaa waxaa boorsooyinkiisa laga helay sunta dadka ka ilmaysiisa isagoo isku dayay inuu ka baxo dalka ka dib markii uu u shaqeynayay shirkad gaar loo leeyahay oo Mareykan ah oo tababartay ciidamadda la dagaalanka Al-Shabaab.

Taylor ayaa la sheegay inuu hanjabaadyo dil ah kala kulmayo maxaabiista kale ee qolka kula jirta kuwaasoo lagu waramay in ay ku eedeynayan inuu yahay basaas Ingiriis ah.

In kasta oo dalabyo isdaba-joog ah oo ka yimid qareennadiisa UK ay ku codsadeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda in dalkiisa lagu celiyo Taylor, haddana wali talaabo cad uma qaadin qadiyadaas xataa kama hadlin.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay'adda sirdoonka Mareykanka CIA-da oo xiriiro lala sameeyay kama aysan jawaabin codsiyo ku saabsanaa in ay caddeeyo masiirka Taylor iyo eedaha loosoo jeediyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo qaatay gaadiid ka yaallay xerada Jeneraal Gordan

Baabuurtan qaarkood duugowday ayaa laga baqay in ay u gacan-galaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:27AM

Dowladda Soomaaliya oo iskaashi iyo wadashaqeyn ka dalbatay Yemen

Yemen ayaa haatan waxa ay dhexda uga jirtaa colaad salka ku haysa is-qabqabsi dhanka xukunka ah.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:07AM