Qiimeyn la xiriirta Covid-19 lagana sameeyay Soomaaliya oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaalka ka dhanka ah Covid-19 ee ka socda dalalka Afrika oo Soomaaliya ay kamid tahay waxaa curyaamiyey marin-habaabin iyo dhaleeceyn, sidda ay sheegtay Hay'adda Save the Children.

Qiimeyn ay hay'addu ka sameysay wadamada Afrika ayay daaha ka rogtay kororka khuraafaadka iyo macluumaadka khaldan ee laga bixinayo cudurka ay hoos u dhigeysa suurtalganimada in goordhow laga takhaluso.

"Macluumaadka khaldan iyo khuraafaadka ku saabsan Covid-19 waxay dib u dhigi karaan talaabooyinka loogu tagalay in lagu yareeyo faafitaanka xanuunka," sidaas waxaa yiri Eric Hazard, agaasime sarre oo hay'adda ka tirsan.

Hazard oo ah agaasimaha siyaasadda iyo ololaha Afrikaanimada ee Save the Children ayaa rumeysan in faafitaanka ay noqon karto mid si xawaare sarre ku socota oo aan la arkeyn kuna dhex-baahsan bulshadda.

Si gaar ah qiimeyn laga sameeyay Soomaaliya, Zambia iyo Tanzania ayaa tilmaamtay in la faquuqo dadka uu haleelay Coronavirus, shaqaalaha caafimaadka ee ku howlan la tacaalida si lamid ah qurba joogta.

"Ku dhowaad 42 boqolkiiba oo ah 3,000 ruux oo xog-u-uruurinta ka qeybgalay ayaa sheegay in Covid-19 uu yahay wax ay sameystay Dowladda Soomaaliya, halka 27 boqolkiiba ay dareemayaan in uu hurinayo colaad ka dhan ah kooxaha laga tirada badan yahay," ayay hay’addu ku tiri qoraal.

Gudaha Tanzania, macluumaad laga soo uruuriyey 121 qof ayaa shaaca ka qaadey in 86 boqolkiiba ay aragtiidu tahay in xanuunka uu yahay khuraafaad lagu beegsanayo qowmiyad ama bulshooyin gaar ah.

Soomaaliya ayaa laga xaqiijiyey 2,023 xaaladood oo ah Coronavirus, dhimashaddu waxay mareysaa 79, halka bukaanada ka bogsanaya ay sii cagacageyneyso 362, sidda ku xusan warbixintii ugu dambeysay ee xukuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cudur ka dilaacay Soomaaliya oo 120 qof ku dhimatay

Waxay sheegtay in heerka dhimashadu uu waxyar ka sarreeyo heerka heerka degdegga ah ee Ururka WHO oo ka yar ama la mid ah 1 boqolkiiba.

  • Soomaliya

    20-05-2024

  • 12:52PM

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM