Qisada lamaanihii lagu dilay weerarka Hotel Afrik

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Lamaane dhowaan guurkooda uu dhacay ayaa kamid noqdey in ka badan tobban qof oo ku dhintay weerarkii Al-Shabaab ku ekeysay Hotel Afrik galabnimadii Axada todobaadkan, 31-kii Janaayo, sanadka 2021-ka.

Fahad Cabdiraxmaan Sandhool iyo Farxiyo Cali Cumar oo sagaal maalmood kahor u dabaaldegay farxadda iyo damaashaadka arooskooda ayaa Isniinta maanta ah loo galbiyey qabuuraha Jazeera ee ku yaala caasimadda Soomaaliya.

Sandhool oo ifka kaga tegay saddex caruur ah kuwaas oo ay u dhashay xaas kale ayaa ka yimid Holland, halka Farxiyo ay qudheeda ka timid Sacuudiga.

Marxuumiinta oo meydadkooda la helay xalay sagaal saac oo habeenimo ayaa degay Hotel Afrika ka gedaal markii "ay is-fahmi-waayeen huteel kale".

"Waxaan waxay ahaayeen wax qoran. Ilaahey baa noo fududeeyay duugta, waan dhaqnay Jazeeraa geynay. Marka waxaan leenahay guurkooda Janada Firdowza Ilaahey ha isugu geeyo, aduunka way calfan waayeen," ayuu yiri Faarax Cabdiraxmaan, oo ah gabadha adeerkeed oo aaska kadib hadlay.

Is-maqalkii ugu dambeeyay

Farxiyo ayaa qofkii ugu dambeeyay ee kamid ah qoyskeeda oo codkiisa ay maqasho wuxuu ahaa aabaheed Cali kaasoo ay telefoon u soo dirtay isla markii uu dhacay weerarkaas qaraxa ku bilowdey ayna xigeen dabley gashay huteelka.

"Aniga iyo xaaskeyga waxaan tagnay huteelka waa Hotel Afrik. Waxaan isku dayay in aan galo si aan u soo badbaadiyo gabadheyda iyo wiilkeyga. Laakiin way dhici wayday. Dedaal dheer kadib waxaan meydadkooda ka helnay sagaal saac oo habeenimo Isbitaal Madiina," ayuu yiri Aabe Cali oo saxaafada la hadlay isaga oo ilmeynaya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarka ay fuliyeen afar dabley Al-Shabaab ah kuwaas oo midkood uu isku-qarxiyey banaanka dhismaha isla markaana saddexda kale ay howlgalka soo afjarida ku toogteen ciidamadda.

Balse, dowladda ayaa ku guuldareystay in ay sharaxaad dheeri ah ka bixiso qaabka maleyshiyadda ugu suurtagashay in ay weeraraan huteelkan oo ay si joogto ah shirar ugu qabsadaan siyaasiyiinta ka aragtida duwan xukuumada hada jirta.

Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo soo noqdey wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidamadda ayaa kamid ah dadka ku naf-waayey weerarkan qaraxa ku bilowday. Marxuumka waxaa lagu aasayaa degaanadda uu kasoo jeedo ee Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM