​QM oo ka digtay khatarta abaaraha ka jira Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Xilli ay kasii darayso xaaladda abaareed ee ka jirta dalka Somalia, ayaa waxaa kordhaha baaqyada ay dirayaan ururada caalamiga ah kuwaasoo sheegaya in xaaladda dadka halis gali karto hadii aan lala gaarin gurmad deg deg ah.

Hay’addaha Qaramada Midoobey ee UNICEF iyo WFP ayaa warbixin ay soo saareen waxay ku sheegeen in abaartan isu badali karto macaluul baahsan oo ka dillaacda waddanka taasoo ay adkaan karto in wax laga qabto iyagoo codsaday in loo gurmado.

Hay’adahaasi ayaa  sidoo kale sheegay inta badan dadka Soomaaliyeed ay saameysay abaarta, islamarkaana ay la il daran yihiin cunto yari  iyo Biyo la’aan.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu dalbaday malaayiin Dollar oo lagu caawinayo dadkaas iyagoo sheegay in gurmad deg deg ah loo baahanyahay.

“Waxaa aad noo walwal gelinaaya  waa  cabsi xoog leh oo aan ka qabno in xaaladdu ay si degdeg ah u sii xumaato, tiro dadka gurmadka u baahan ay khatarta wajahayaan, in gurmad caafimaad iyo mid cunto ahba lala gaaro dadkaa dhibaateysan waxaana codsaneynaa in dalalka Caalamka ay wax ka qabtaan arintaasi ,” Ayaa lagu yiri warbixinta hay’adaha Qaramada midoobey.

Baaqan ayaa qayb ka ah kuwo horay ay usoo saartay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa inkastoo ilaa hadda aysan jirin cid ka jawaabtay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM