​QM oo ka digtay khatarta abaaraha ka jira Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Xilli ay kasii darayso xaaladda abaareed ee ka jirta dalka Somalia, ayaa waxaa kordhaha baaqyada ay dirayaan ururada caalamiga ah kuwaasoo sheegaya in xaaladda dadka halis gali karto hadii aan lala gaarin gurmad deg deg ah.

Hay’addaha Qaramada Midoobey ee UNICEF iyo WFP ayaa warbixin ay soo saareen waxay ku sheegeen in abaartan isu badali karto macaluul baahsan oo ka dillaacda waddanka taasoo ay adkaan karto in wax laga qabto iyagoo codsaday in loo gurmado.

Hay’adahaasi ayaa  sidoo kale sheegay inta badan dadka Soomaaliyeed ay saameysay abaarta, islamarkaana ay la il daran yihiin cunto yari  iyo Biyo la’aan.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu dalbaday malaayiin Dollar oo lagu caawinayo dadkaas iyagoo sheegay in gurmad deg deg ah loo baahanyahay.

“Waxaa aad noo walwal gelinaaya  waa  cabsi xoog leh oo aan ka qabno in xaaladdu ay si degdeg ah u sii xumaato, tiro dadka gurmadka u baahan ay khatarta wajahayaan, in gurmad caafimaad iyo mid cunto ahba lala gaaro dadkaa dhibaateysan waxaana codsaneynaa in dalalka Caalamka ay wax ka qabtaan arintaasi ,” Ayaa lagu yiri warbixinta hay’adaha Qaramada midoobey.

Baaqan ayaa qayb ka ah kuwo horay ay usoo saartay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa inkastoo ilaa hadda aysan jirin cid ka jawaabtay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM