QM oo ku baaqday in mudnaan la siiyo aragtida Jubaland ee hiigsiga 2020

Image

KISMAAYO, Jubaland – Qaramadda Midoobay ayaa ku baaqday in "mudnaan" la siiyo mowqifka Jubaland ee hiigsiga Soomaaliya ee sanadka dambe 2020-ka.

Soomaaliya ayaa qorshuhu yahay in sanadka soo aadan ay ka dhacdo doorashooyin qof iyo cod ah, wallow ay jiraan aragtiyo iska soo horjeeda.

Wakiilka gaarka ah ee UN-ka u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa hogaamiyey wafdi Talaadada maanta ah socdaal ku tegay Kismaayo, xarunta Jubaland.

Wafuuda oo ka socotay Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa la kulmay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Axmed Madoobe iyo Swan oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa fahfaahin ka bixiyey qodobadda ay kawada xaajoodeen.

Madaxweynaha Jubaland ayaa ku adkeystay in aysan dhici karin "qof iyo cod ah", isagoo cuskanaya in aan la dhameystirin Dastuurka, tiro-koob la'aan iyo arrimo kale.

Swan oo dalbaday in doorashada ay ku qabsoonto qaab lawada ogol-yahay ayaa cod dheer wuxuu kusoo jeediyey "in aan layska indha-tirin aragtidda Jubaland".

"Jubaland iyo dadkeeda waa in ay kaalin ka qaataan gaarista hiigsiga Soomaaliya ee 2020. Ma rajeynayno in aragtidooda layska indho-tiri doono," ayuu xusay.

Gabagabadii, James Swan ayaa wuxuu ku booriyey hogaamiyeyaasha Soomaaliya, hay'addaha dowladda iyo bulshadda in ay wada-hadlaan si horey loogu sii socdo.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM