Qodobada "halista ah" ee ku jira heshiiska Soomaaliya la gashay Imaaraadka

Image
Golaha Wasiiradda ayaa meelmariyay heshiiskan Febraayo 2023 balse looma gudbin baarlamaanka federaalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Markii golaha wasiirada Soomaaliya ay ansixiyeen heshiis iskaashi ciidan oo ay la galeen Imaaraadka Carabta bishii Febraayo 2023, Muqdisho ayaa lugaha la gashay siyaasadeed.

Xildhibaano qaarkood mucaarad ku ah maamulka haatan xilka haya ee madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aaminsan in heshiiskaasi uu lid ku yahay qaranimada Soomaaliya.

Heshiiska, oo ay aragtay Middle East Eye, ayaa Imaaraadku u ogolaanaya in gudaha Soomaaliya ay “fuliso hawlgallada milatari iyo amniga, oo ay ku jiraan hawlgallada dhulka, badda iyo cirka, kuwaas oo ay u aragto in ay ku habboon yihiin, si loo cirib tiro argagixisada”.

Xukuumadda Abu Dhabi ayaa sidoo kale waxa uu heshiiskaas aanan lala wadaagin dadweynaha Soomaaliyeed waxa uu u fasaxayaa inay “isticmaasho dhulka” Soomaaliya.

Imaaraadku “waxa uu xaq u leeyahay in uu isticmaalo dekedaha dhulka, dekedaha badda iyo garoomada diyaaradaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” oo uu ka samaysto saldhigyo ciidan iyo tababaro si uu hawlihiisa u sii wato.

Qodobka ugu layaabka badan ee ku jira heshiiskan ayaa waxa uu yahay in gebi ahaanba xasaanad la siiyay ciidamada Imaaraadka, taasoo ka careysiisay Soomaalida.

"Dhammaan dadka ka shaqeeya heshiiskan waa in la siiyaa ilaalin iyo xasaanad ka dhan ah mas'uuliyad caalami ah, sharci ama maamul gudaha Soomaaliya," ayuu qeexayaa heshiiska.

Heshiiska wuxuu intaas ku darayaa: "Shaqsiyaadka ku shaqeeya heshiiskan laguma soo oogi karo hab-raac heer qaran ama caalami ah ama dacwad ama codsi xukun oo iyaga ka dhan ah" gudaha Soomaaliya inta lagu guda jiro dhaqangelinta heshiiska.

Isla markii golaha wasiirada Soomaaliya ay ansixiyeen heshiiska, Imaaraadku waxa uu dalka dib ugu soo celiyay qaar ka mid ah ciidamadii Soomaaliyeed ee uu ku tababaray Uganda.

Bil ka dib, ciidamada Imaaraatka ayaa sidoo kale bilaabay in gudaha Soomaaliya ay dhistaan ​​saldhig cusub gaar ahaan Koonfurta gobolka Jubaland. Tani waxay dhalisay su'aallo aan wali loo helin jawaabo rasmi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM

Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo

Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan…

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 04:18AM