Qodobo muhiim ah oo looga dooday kulanka Wasiirada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Khamiis ah ku shir-gudoomiyey xafiiskiisa ku yaalla gudaha Villa Somalia kulanka todobaadlaha ee Gollaha Wasiiradda dowladda.

Kulankaan oo ay kasoo wada qaybgaleen inta badan Wasiiradda marka laga reebo xubnaha qaar ee Madaxwayne Farmaajo ku wehlinaya socdaal dalka dibadiisa ayaa looga dooday qodobado muhiim ah.

Qodobadda shirka looga hadlay ayaa kala ahaa; hanaanka dib u habaynta dhaqaalaha, amniga, olalaha is-xilqaan iyo sharciyadda doorashadda ee sanadka 2020-ka, taasoo la filayo inay noqoto mid qof iyo cod ah.

Ra'iisul Wasaare dalka, mudane Xasan Cali Khayre oo kulankaan ee Gollahiisa Wasiiradda ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in qodobadda shirka maanta looga hadlay uu ahaayeen kuwa muhiim ah.

"Waxaan maanta shir gudoomiyey kulanka todobaadlaha ee Gollaha Wasiirkadda oo aan uga doodnay arrimo muhiim ah," ayuu soo dhigay Khayre bartiisa gaarka ah ee uu ku leeyahay Twitter-ka.

Kulankaan ay yeesheen Gollaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa ah mid Dastuuri ah, kaasoo xukuumadda ay yeelaneyso todobaadkiiba hal jeer inta ay xafiiska joogaan Wasiiradda, waxaana looga hadlaa dhacdooyinka isbuucaasi taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM