Qoondada ay Al-Shabaab ka hesho gargaarka UN-ka oo la shaaciyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Kenya ayaa si cad daaha uga rogtay in uu jiro cilaaqaad u dhaxeeya Qaramada Midoobay iyo xoogaga Al-Shabaab.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arrimaha dibada Kenya ayaa shaaciyay in UN-ka uu qoondo ka siiyo kooxda gargaarka ay siiyaan Soomaaliya.

Macharia Kamau ayaa ku tilmaamay qoondadaasi ay gaareyso 10% oo kamid ah gargaarkooda, inkasta oo uusan soo bandhigin caddeymo waafi ah.

"Waxa argagixisada loo siinayo waa in ay bad-qabaan cunada iyo gargaarka kale ee u socda Soomaaliya," ayuu Macharia Kamau yiri, sida ay kasoo xigatay warbaahinta.

Hadalka xoghayaha ayaa kusoo aadaya iyada oo maxkamada cadaalada aduunka ee ICJ ay taallo dacwad u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Dacwada oo ay Soomaaliya gudbisay 2014-kii ayaa salka ku haysa muran ay Kenya gelisay qayb kamid ah biyaha dalka leh xeebta ugu dheer Afrika.

Horaanta sanadka 2020-ka ayaa lagu wadaa in ICJ ay go’aan kama dambeys ah ay kasoo saarto xili Soomaaliya ay labinta heshay wareegii koowaad ee coddeynta.

Dhawaqa cusub ee kasoo yeeray Kenya oo u muuqda "qar iska tuurnimo" ayaa si lamid ah kusoo aadaya iyadoo ciidamada wadankaasi ee qaybta ka ah AMISOM ay soo faarujiyeen saldhiyadooda gobolka Gedo ee Soomaaliya.

Talaabadaasi oo lagu dhaliilay Kenya ayaa sababtay in uu khilaaf soo kala dhex-galo hogaanka ciidamada dalkaasi iyo taliyeyaasha wadamada ciidanka ku taageeray howlgalka midowga Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM