Qoondadii gunada agoonta ciidamada Soomaaliya oo "la musuqmaasuqay"

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Waalidiin cabasho ah ayaa Isniinta maanta ah ku hor-banaanbaxay Villa Soomaaliya. Hooyinka iyo aabeyaasha waxay isugu jiraan kuwa wiilal iyo raggii qabay ku waayey dagaalka ururka Al-Shabaab.

Isu-soo-baxa ayay ku qabteen Unburtooriyadda Ceelgaabta, degmada Xamar-jajab ee Muqdisho, halkaas oo kamid ah goobaha laga galo hoyga looga armiyo dalka isla markaana uu ku yaalo xafiiska madaxweynaha.

Qaar kamid ah hooyooyinka iyo aabeyaasha dibad-baxa kasoo qeybgalay oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ee caasimadda ayaa sheegay in ay sanad iyo bilooyin aysan qaadan gunooyinkii ay hore u heli jireen.

Iyagoo hadalkooda sii wata, waxay daboolka ka qaadeen in la musuqmaasuqay qoondadii ay lahaayeen agoonta ciidamadda, wallow aysan soo bandhigin caddeymo xoojinata sheegashooda.

"Xukuumadda Nabad iyo Nolol intii ay timid waxaa nagalay musuqmaasuq xoog badan oo xanuun badan. Raashiinka, 100-ka Doolar iyo agabkii oo ay qaadan jireen mid wax dhalay iyo midaan wax dhalin hadda ma leh. 100-kii Doolar waxaa la yiri qofkii aan cunug dhalin lama siinayo, hooyadii cunugeeda uu wax u bartana sidoo kale. Marka waxaan codsaneynaa in aan helno," ayay tiri hooyo kamid ah dadka banaanbaxa abaabulay.

Qaarkood ayaa tilmaamay in ay hayaan caruur agoon ah oo ka badan shan oo isugu jira qaar ay dhaleen iyo kuwa ay ka geeriyoodeen wiilashooda.

Madaxda waddanka ayay cod dheer ugu tartarsiiyeen in ay soo farageliyaan arrintooda isla markaana ay dib u helaan xuquuqda ay leeyihiin.

Dhanka kale, taliska ciidamadda xoogga dalka ayaa nan ka faa'iideysan fursad uu warsidaha Garowe Online siiyey oo ku saabsan in uu ka jawaabo eedeynta sheegaysa in la musuqay qoondada agoonta ciidanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ay dib-u-habeyn ku sameysay hanaanka mushahar bixinta ciidamadda isla markaana ay liiska ka saartay dad ay shaacisay in ay sifo sharci darro ah gunooyin ku qaadan jireen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM