Qoor-qoor oo baaq u diray madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Hogaamiyaha Galmudug ayaa ugu baaqay madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland in ay kusoo biiraan madaxda caasimada maamulkiisa u joogta wadahadalka Dhuusamareeb III.

Dhawaqa Axmed Cabdi Kaariye oo saxaafada la hadlay ayaa yimid xilli Puntland iyo Jubaland ay kasoo muuqashada kulanka shuruud uga dhigeen ka qeybgalka Beesha Caalamka iyo dhisida xukuumad federaal ah.

Qoor-qoor oo ku dhawaaqay in uu furmay Dhuusamareeb 3 ayaa carabka ku adkeeyay in ay sugayaan madaxda Puntland iyo Galmudug, isagoo kalsooni ka muujiyey gorgortan uu tibaaxay in ay u socdaan.

"[Soomaaliya ma joogo xaalad] warar hawada la isku mariyo, iyo fariimo la isku gudbiyo. Waa la kala duwanaa karaa, waa jiri karaan waxyaabo aan lagu wada qanacsaneyn balse waxaan ka codsaneynaa walaalahey in ay yimaadaan gogosha," ayuu yiri.

Isaga oo u muuqda mid ka naqdinaya dalabka Puntland iyo Jubaland ee ah in ay diblumaasiyiinta kasoo qeybgalaan shirka, Qoor-qoor ayaa xusay in ay horey is-faham u gaaraan "iyaddoo aysan cidna ku dhex-jirin".

"Waxaan filayaa in ay fulayaa wixii kasoo baxa shirka Dhuusamareeb, shacabka Soomaaliyeedna ay ku kalsoonaan karaan talooyinka iyo go'aamada kasoo baxa," ayuu hadalkiisa ku daray.

Puntland iyo Jubaland ayaa shuruudahooda u cuskaday "in madaxda dowlada federaalka aysan daacad ka ahayn wadahadalka" ayna saaxiibada caalamka ka noqonayaa damaanad-qaadayaa fulinta natiijada.

Villa Soomaaliya oo ku eedeysay in ay jebisay heshiisyaddii lagu gaarey Dhuusaamreeb 1 iyo 2 ayaa la fahansan yahay in ay diidan tahay ka qeybgalka daneeyeyaasha si ay riixdo doodeeda doorasho qof iyo cod ah.

Soomaaliya ayaa dhex-dabaalaneysa hubanti la'aan la xiriirta mar-xalada kala guurka iyo nooca doorashooyinka soo aadan, arrintaas oo cawaaqibkeeda laga digay, balse Madaxtooyadda ay si cad iskaga indha-tireyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM