Shirka Baydhabo oo jawi adag abuuray kahor wadahadalada Muqdisho

Image
Image
Image

BAYDHAO, Koonfur Galbeed – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa abuuray cimilo xifaaltan ah kahor furitaanka wadahadalada arrimaha doorashadda Soomaaliya ee magaala madaxda Muqdisho.

Wadatashiga aadka isha loogu hayo ee caasimadda ayay Madaxtooyadda Qaranka iclaamisay in uu furmi doono maalinta Khamiista ah ee todobaadkan.

Qoor-qoor oo ka hadlayey shir saacado socday oo xarunta ku meelgaarka Koonfur Galbeed ku yeesheen madaxda saddexda maamul ee taabacsan Villa Soomaaliya ayaa maagay Deni iyo Axmed Madoobe.

Hogaamiyaha maamulka Dhuusamareeb ayaa sheegay in hogaanka Puntland iyo Jubaland ay ka qeybgalka wejiga saddexaad shirkii caasimada dowlad goboleedkiisa u diideen in aysan jirin xukuumad, haddana ay xaadireen shirka Muqdisho iyaddoo aan xal loo helin caqabadaas.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Qoor-qoor ayaa talaabadaas ku qeexay "qorshe xumo," wuxuuna ugu baaqay madaxweyneyaasha Deni iyo Axmed Madoobe in ay la yimaadaan qorshe wanaagsan, sidda uu hadalka u dhigay.

Dhismaha xukuumadda cusub ayuu carabka ku dhuftay in ay quudareynayaan dhankooda, isagoo codsaday in deg-deg loosoo dhiso.

Wallow dalabkaan uu diray, haddana Qoor-qoor ayaa kadib riditaanka xukuumadii Xasan Cali Khayre ee meelgelisay in uu ku guuleysto kursigaan wuxuu Muqdisho u tegay sidii ra'iisul wasaaraha xiga u heli lahayd beeshiisa.

Cilaaqaadka wanaagsan ee kala dhaxeeya dowladda federaalka ah ayuu difaacay, isagoo qiil ka dhigtay "waanba ku faaneynaa, hadiiba nala lahayn way kala fog yihiin dowladeena, ileyn ma lihin dowlad kale oo iyada aan ahayn".

Dhanka kale, madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayaa si wadajir ah ugu mayal-adeegay heshiisyada qabyada ah ee DhuusamareebIII, isagoo xoojiyey hindisaha in lagu dul-shaqeeyo.

Cabdicasiis Laftagareen, madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa soo jeediyey in la dhageysto xalna loo raadiyo "tabashooyinka Puntland iyo Jubaland".

Maxamed Cabdi Waare, madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo ee  maamul goboleedka HirShabelle, ayaa ku weeraray Deni "ficilo aan u hiilineyn Soomaaliya" kuwaaso uu ku qeexay in ay yihiin "in uu isku maleeyay in Soomaaliya ay isaga dusha u saaran tahay".

Dhawaqyada kasoo baxay shirka Baydhabo oo abuuray jawi adag kahor inta uusan bilaaban wadahadalka Muqdisho ayaa calaamad su'aal waxay gelinayaan in ay qodobo miradhal iyo wada ogol ah ay kasoo bixi doonan kulanka soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM