Qoor-Qoor oo Mareykanka u gudbiyay warbixinta hubka gacanta u galay shacabka Caabudwaaq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Qoor-Qoor oo Xalane kula kulmay Shane Dixon, oo ah Sarkaal sare oo katirsan dowladda Mareykanka, iyadoo xogaha Garowe Online helay ay sheegayaan in kulanka looga hadlay hubka gacanta u galay Shacabka Caabudwaaq.

Shane Dixon ayaa ahaa ku-simaha Safiirka Mareykanka in mudo ah kahor inta danjiraha cusub lasoo magacaabin, waxaana warbixinta Qoor-Qoor u gudbiyay kamid ah dadkii hubka ka keenay Itoobiya iyo halka uu ku socday.

Galmudug iyo Dowladda Federaalka ayaa qoraallo iska soo horjeeda kasoo saarey arinta la xiriirta hubka, oo halis gelin kara dalka in dib loogu celiyo cunqabateynta hubka ee laga qaadey December 2023.

Qiyaasta hubka lala wareegay

Dhashiike: 150 ilaa 200

BKM: 500 xabo

Shamshuuter [Snipers]: 200 ilaa 260 xabo

AK47: 2200 xabo ama ka badan

Pistoladu ay ku xiran yihiin Dhuumaha Aamusiyaha ah waa in ka badan 800 xabo

Rasaasta BM ka iyo tan qoryaha fudud oo aan tiro lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM