Qoorqoor iyo Fahad Yaasiin oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor oo Muqdisho ka wada olole siyaasadeed oo ku wajahan xilka Ra'iisul Wasaaraha, ayaa ku dedaalaya sidii jagadaas loogu magacaabi lahaa shaqsi kasoo jeeda Beelaha Galmudug.

Xusul-duubka Qoorqoor ayaa bilowday tan iyo markii Isniintii asbuucaan uu soo gaaray Muqdisho, waxaana isla habeenkii uu Villa Soomaaliya kula kulmay Madaxweyne Farmaajo.

Qoorqoor iyo Agaasimaha hay'adda sirdoonka qaranka NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Nabadsugida ee loo yaqaano Habar-khadiijo.

Inkasta oo dhinacyadda aysan fahfaahino kasoo saarin kulamadooda, warar ayaa tibaaxaya in ay jiro is-fahan guud, balse aan wali la isku raacin shaqsiga ugu dambeyntii loo magacaabayo xilkaas.

Hogaamiyaha oo maamulka uu madaxda ka yahay martigaliyey shirkii Dhuusamareeb ayaa u muuqda mid horey u ogaa inqilaabka lagu sameeyey Xasan Cali Khayre.

Khayre ayaa horey tageero buuxda la dhinac istaagey Qoorqoor markii uu tartanka kaga jirey madaxtinimada maamulka Galmudug, taasoo uu dhiig ku daatay laguna bixiyey laaluush badan.

Fahad Yaasin oo taageero maaliyadeed dalka Qadar uga keenay ololihii doorashada Farmaajo ee 2017 walina raba in uu mar kale soo laabto ayaa saameyn ku leh go'aanada Madaxtooyadda.

Beesha Caalamka oo walwal ka qabta xaaladaha siyaasadeed ee dalka kasoo korortay ayaa ku baaqday hanaan heshiis siyaasadeed oo laga gaarey lagu wajaho nooca doorasho ee soo aadan.

Puntland ayaa walaac ka muujisay mowjadaha siyaasadeed ee ka socda Koonfurta Soomaaliya kuwaas oo ay sheegtey iney wax u dhimayaan rajada laga qabo in heshiis la wada ogol yahay ka soo baxo kulanka dambe ee loo balansan yahay August 15, 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM