Qoorqoor iyo Guudlaawe oo kulamo kawada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyneyaasha Galmudug iyo HirShabelle, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor iyo Cali Cabdullaahi Guudlaawe, ayaa xalay Muqdisho kula kulmay mas'uuliyiinta degaanada ay kasoo jeeda ku metela xukuumadda.

Sidda ay wararku sheegayaan, mas'uuliyiinta ay la kulmaan ayaa isugu jiray Wasiiso, ku xigeeno iyo Wasiiru-dowleyaal.

Kulanka ayaa, sidda xoguhu caddeynayaan, waxaa diiradda lagu saarey doorashooyinka, siyaasadda, iyo xaaladaha ammaan ee degaanadda ay metelaan.

"Dhinacyadda waxay si qoto dheer u lafa-gureen sidii wax looga qaban lahaa xaaladahaas iyo qaabkii doorashooyinka soo aadan ugu qabsoomi lahaayeen si xasilooni ah," ayuu yiri mas'uul kulanka qeyb ka ahaa oo bogga GO la hadlay.

Wasiiradda ayaa la wariyey in ay ka codsadeen Qoorqoor iyo Guudlaawe in ay xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Villa Soomaaliya "uga faa'iideystaan hirgelinta metelaadda gobolka Banaadir iyo maqaamka caasimada Muqdisho".

Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya ayaa xeerinaya qaabka loo meelmarinayo metelaada gobolka Banaadir iyo maqaamka Muqdisho, balse madaxda waqtiga kasii dhacayo waxay doonayaan in ay ololaha doorashadda ku galaan.

Sanadkii lasoo dhaafay, baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyey xeer gobolka Banaadir kuraas ka siinaya baarlamaanka federaalka, balse guddoonka wuxuu u bedelay qaraar maadaama madaxweyne dood sharci ah ku furmeyso haduu saxiixo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM