Qoorqoor iyo Guudlaawe oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Socdaalka labada hogaamiye ayaa kusoo aadaya xilli khilaafka Farmaajo iyo Rooble xoogeystay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa Maanta  soo gaaray magaalada Muqdishu ee caasimadda dalka.

Qoorqoor iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cabdulle International Masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada XFS, Maamulka Gobolka Banaadir,  xubnaha labada aqal ee BFS, masuuliyiin iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda Galmudug.

Dhanka kale, madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhinaciisa wuxuu maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Guudlaawe iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade Internationa Airport kusoo dhoweeyay Wasiirada Gaashaandhigga Amniga Wasiir Ku Xigeenka Warfaafin Xubnaha labada gole ee Dowladda iyo Masuuliyiin kale.

Socdaalka labada hogaamiye ayaa kusoo aadaya xilli khilaafka Farmaajo iyo Rooble xoogeystay lagana cabsi qabo in ay isku rogto gacan ka hadal maadaama saxaafadda hadalo isku-mariyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM