QoorQoor oo Baydhabo geeyay dhambaal uu ka sido Xasan Sheekh

Image
Hogaamiyaha maamulka Galmudug ee QoorQoor ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay caasimada ku meelgaarka Koonfur Galbeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa hogaamiyaha Galmudug ee QoorQoor waxa uu ergo ahaan ugu dirsaday Baydhabo si uu dhigiisa Koonfur Galbeed Laftagareen ugu qanciyo in uusan qaban doorasho, sidda illo wareedyo u sheegeen Garowe Online.

Laftagareen ayaa maalmihii dambe waxa uu waxa uu wadday olole uu doorasho u gaar ah ku qabsanayo ka gadaal markii Villa Soomaaliya ay muujisay ifafaalo ay ku abaabuleyso mucaaradka maamulka Baydhabo.

Sikastaba ha ahaatee, su’aal badan ayaa ku wareegsan sidda QoorQoor daacad uga noqon karo fariinta uu ka sido Xasan Sheekh maadaama saaxiibada madaxweynaha Soomaaliya ay dhankooda muujiyeen in ay damacinayaan hogaaminta Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM