Qoorqoor oo booqday ciidamo loo diyaariyay la dagaalanka ‘AS’

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa booqday ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kasoo noqday fasaxyo gaaban oo ay ku jireen kuwaas oo hadda u diyaarsan in ay ku biiraan howlgalka ka dhanka ‘AS’.

Waxaa booqashadaan ku wehlinayay madaxweynaha Wasiirka gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo mudanayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda.

Ciidankaan oo ku xareysan xerada Harqaboobe ayuu Madaxweynaha kula dardaarmay in ay ka libin ka keenaan dagaalka ka dhanka ‘AS’, kuna daysadaan ciidamadii guuldarrada gaarisiiyay kooxda maalmihii la soo dhaafay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo celiyay Madaxweyne Qoorqoor mas’uuliyadda abaabulka iyo kormeerka dagaalka ay dawladdu kula jirto kooxaha xaqjirka ah ee ka dagaalamaya Dowladda Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ka ambabaxay magaalada Dhuusamareeb, isaga oo tagay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka dibna uu safar ku tagay dalka Eriteria halkaas ay ku sugan yihiin ciidamo Soomaali ah oo tababar ugu socdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM