Galmudug oo "dalal shisheeye" la xiriirisay colaadda Guriceel

Image
Madaxweyne Axmed Qoorqoor ayaa shaaca ka dhigay in ay soo bandhigayaan caddeymaha sheegashadiisa.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Colaada Gurlceel waxaa hurinaya dhinacyo Soomaali iyo ajaaniib isugu jira oo xeerinaya "dano raqiis ah," sida uu shaaca ka dhigay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor].

Qoorqoor oo shir jaraa'id ku qabtey Madaxtooyadda maamulkiisa ee Dhuusamareeb ayaa daaha ka rogay in ay soo bandhigayaan caddeymaha darafyadaas uu ka gaabsadey in uu shaaciyo magacyadooda.

"Waxaan la soconaa dhinacyo gadaal ka taagan dhibaatadda Galmudug gaar ahaan Guriceel oo dacminaya oo gacan-siinaya oo Soomaali iyo ajnabi leh. Aad baan uga xunahay in 2021 aan aragno dad si raqiiskaas ah dad u fekeraya oo dhibaato uga shaqeynaya dad, degaan iyo dowlad walaalahooda ah. Caddeymaheeda ayaan haynaa waana soo bandhigeynaa," ayuu yiri.

Dhanka kale, Qoorqoor ayaa ku eedeeyay Ahlu Sunna "in ay ka been sheegeyso diinta" iyo in ay "dhalinyaradda u adeegsaneyso si ay ugu gaarto dano siyaasadeed iyo kuraas ay helaan".

"Mowqifka dowladda Galmudug wuxuu yahay in ay wadahadalo la gasho cid kasta oo diyaar ah. Laakiin marnaba ma aqbalayno in qori caaradii lagu raadiyo kuraas. Mana bilaabeyno dhaqankaas xun," ayuu tibaaxay.

Tirada dadkii ku dhintay dagaalka Guriceel oo gaartay 120 iyo xaaladda oo Maanta degan. Ahlu Sunna ayaa ku sugan dhanka Waqooyi halka inta kale ay joogaan Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug.

Ahlu Sunna oo laba sano dibad-joog ka ahayd siyaasadda Galmudug ayaa dhowaan kusoo laabatay degaanka. Wararku waxay xusayaan in ay isku dayayaan saameyn ballaaran oo ay ku yeeshaan doorashada federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM