Galmudug oo "dalal shisheeye" la xiriirisay colaadda Guriceel

Image
Madaxweyne Axmed Qoorqoor ayaa shaaca ka dhigay in ay soo bandhigayaan caddeymaha sheegashadiisa.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Colaada Gurlceel waxaa hurinaya dhinacyo Soomaali iyo ajaaniib isugu jira oo xeerinaya "dano raqiis ah," sida uu shaaca ka dhigay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor].

Qoorqoor oo shir jaraa'id ku qabtey Madaxtooyadda maamulkiisa ee Dhuusamareeb ayaa daaha ka rogay in ay soo bandhigayaan caddeymaha darafyadaas uu ka gaabsadey in uu shaaciyo magacyadooda.

"Waxaan la soconaa dhinacyo gadaal ka taagan dhibaatadda Galmudug gaar ahaan Guriceel oo dacminaya oo gacan-siinaya oo Soomaali iyo ajnabi leh. Aad baan uga xunahay in 2021 aan aragno dad si raqiiskaas ah dad u fekeraya oo dhibaato uga shaqeynaya dad, degaan iyo dowlad walaalahooda ah. Caddeymaheeda ayaan haynaa waana soo bandhigeynaa," ayuu yiri.

Dhanka kale, Qoorqoor ayaa ku eedeeyay Ahlu Sunna "in ay ka been sheegeyso diinta" iyo in ay "dhalinyaradda u adeegsaneyso si ay ugu gaarto dano siyaasadeed iyo kuraas ay helaan".

"Mowqifka dowladda Galmudug wuxuu yahay in ay wadahadalo la gasho cid kasta oo diyaar ah. Laakiin marnaba ma aqbalayno in qori caaradii lagu raadiyo kuraas. Mana bilaabeyno dhaqankaas xun," ayuu tibaaxay.

Tirada dadkii ku dhintay dagaalka Guriceel oo gaartay 120 iyo xaaladda oo Maanta degan. Ahlu Sunna ayaa ku sugan dhanka Waqooyi halka inta kale ay joogaan Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug.

Ahlu Sunna oo laba sano dibad-joog ka ahayd siyaasadda Galmudug ayaa dhowaan kusoo laabatay degaanka. Wararku waxay xusayaan in ay isku dayayaan saameyn ballaaran oo ay ku yeeshaan doorashada federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM

Xildhibaannada Baarlamaanka oo Laga Mamnuucay inay ka baxaan Muqdisho

Koox xildhibaanno federaal ah oo u safrayay Garoowe ayaa shalay lagu qasbay inay dib ugu soo laabtaan Muqdish.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 08:32AM