Galmudug oo xareysay xubnaheeda guddiga doorashada

Image

MUQDISHO, Somaaliya - Guddigii doorashada ee Galmudug ee lagu muransanaa ayaa saaka laa xareeyay, iyagoo ku biiray tababarka saaka Guddiyada doorasho ee heer dowlad goboleed uga furmay Hotelka Peace magaalada Muqdisho.

Ilo ku dhow dhow xubno ka tirsan Guddiga doorashada  Galmudug ee lagu muransan ayaa sheegay in Madaxweyne Qoorqoor xalay ku soo wargeliyay xubnaha Guddiga uu horay u magacaabay inay saaka xaroodaan.

Qoorqoor ayaa maalintii shalay markii Guddiyadii ka socday Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed la xareynayay dalbaday in dib loogu dhigo madaama uu ku dhexjiro u kala dab-qaadid dowlada Federaalka iyo midowga musharaxiinta doorashada Madaxweynaha ee la filayo iney dhacdo sanadka soo socda horaantiisa. 

Tallaabada Madaxweyne Qoorqoor ku go'aansaday in la xareeyo guddigii doorashada ayaa meesha ka saareysa dhex dhexaadintii uu ka dhex waday Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweyne Farmaajo, iyadoo markii horeba ay jirtay in Musharaxiinta qaar ay dood geliyeen in aanu daacad ka aheyn dhex dhexaadinta uu wado.

Kulankii Muqdisho ee dhexmarey asbuucaan bilowgiisa dowlada Federaalka, dowladaha qaybta ka ah nidaamka Federaalka iyo beesha caalamka ayaa lagu sheegey inuu jiri doono kulan degdeg ah ay isugu imaan doonaan madaxda Soomaaliya si ay uga wada-xaajoodaan qodobada la isku hayo.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa kulankaas khudbad uu akhriyey ka digey in doorashada dib u dhci karin isagoo ku hanjabey in dowldiisa qaadi doonto talaabooyin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM