Qoorqoor oo "ka damqaday" culeyska siyaasiyiin ku qoondo ah

Image
Madaxweynaha Galmudug ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay cadaadis uga imaanaya xubnahan.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa markii ugu horeysey wuxuu ka hadlay culeys ay ku hayaan siyaasiyiin heer federaal ah oo ay isku qoondo yihiin.

Isaga oo ka hadlayay meel fagaaro ah, Qoorqoor sheegay in ay nasiib daro tahay in siyaasiyiin reer Galmudug ah oo uusan magacooda xusin ay lacago ku harqinayaan dhallinyaro Facebook caan ka ah si ay u sawir xumeeyaan maamulka iyo hoggaankiisa.

Xilli uu u muuqdey mid ka damqaday dhaleeceyntaas la maalgelinayo, Qoorqoor ayaa siyaasiyinta waxa uu ku eedeeyay in ay leeyihiin ujeedooyin gaaban oo dhanka siyaasadda ah.

Madaxwayne Qoor Qoor oo ay ku furan tahay dagaal ka dhan ah maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa dadka uga digay in aysan dhegna u dhigin dacayaadaha laga faafiyey.

Qoor Qoor ayay si toos ah isu hayaan wasiirka madaxtooyada Abshir Axmed iyo wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi, kuwaas oo labadaba xildhibaanimo kasoo waayay Galmudug si shaqsi ahna ay isu qabteen Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale waxaa la fahamsanyahay in uu cabasho u gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii uu dhowaan madaxweynaha tagay Dhuusamareeb.

Dhallinyaro si weyn caan uga ah Facebook ayaa intii muddo ahba qoraalo iyo muuqaalo ka dhan ah Qoor Qoor ku baahiya Baraha Bulshada, waxaana shaqsiyaadkan loo tiiriyaa arrimaha uu ka ka tabanayo Qoorqoor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM