Qoorqoor oo ka falceliyey warar laga faafiyey madaxda maamuladda

Image
Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] ayaa si gaar ah ugu waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da.

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxweynaha Galmudug ayaa gaashaanka ku dhuftey wararka sheegaya in qaar kamid ah madaxda maamuladda ay ka cagajiidayaan la dagaalanka maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa dadka warbixinadaas faafinaya waxa uu ku tilmaamay "dad aan ummadda iyo ilaahey ka xishooneyn".

"Wararkaas waxaa ku hadaaqaya dadka wax ma garatada ah ah iyo dad aan ilaahey iyo ummadda ka xishooneyn. Qof mas’uul ah oo Soomaaliyeed oo dad iyo degaan maamula oo aan ku faraxsaneyn dagaalkan ka ma jiro," ayuu yiri.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Qoorqoor ayaa carabka ku dhuftey in qorshahooda uu yahay in degaanada dhowaan laga saarey Al-Shabaab ay degdeg ku gaarsiiyaan adeegyadda dowliga ah.

"Xarardheere kaliya ma ahan. Degaanada laga xoreeyo cadowga Khawaariijta waxaa qorshaha yahay in lagu soo celiyo amniga, waxbarashadda, caafimaadka iyo nabadii ay ka qaadeen argagixisadda," ayuu sii raaciyey.

Qoorqoor ayaa carabka ku adkeeyay in maamulada loo magacaabi doono degaanada dhowaan la qabtey ay noqon doonan kuwa ku meelgaar ah inta dadweynaha ay kasoo dooran doonan maamul rasmi ah.

"Degaanada xorta ah ee Galmudug waxaa ka jira maamulo ay doorteen dadka degaanka. Maamulo ku meelgaar ah ayaa loo magacaabi doonaa [degaanada la xoreeyay] waa inta ay ka gaarayaan doorashooyinka," ayuu tibaaxay.

Hogaamiyaha Galmudug ayaa ku nuux-nuux-sadey in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uusan ku koobnaan doonin degaanada maamulkiisa balse ay gacan-siin doonan dowlad goboleedyadda kale ee waddanka.

"Dagaalkan lagula jiro Khawaariijta maaha dagaal ay tahay in lagu kala maqnaado. Degaanada aysan hadda ka socon waxaa rajaynaa in ay ku talojiraan. Anaga Galmudug kaliya nooma xadeysana, meelaha kale waa uga daba tagaynaa," ayuu xusay.

Todobadii bilood ee lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa wajahdey dagaal ba'an oo ka dhashay amar guud oo uu bixiyey madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo ahaa weerar saddex geesood ah oo lagu xoreeyay dhul ballaaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM