Qoorqoor oo la dhaleeceeyay kahor shirka Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye oo taageero weyn u ah dib u doorashadda Farmaajo wuxuu dayacay amniga degaanadda uu metelo, sidda uu sheegay taliye ku xigeenkii hore ee NISA.

Cabdisamad Guuleed, taliye ku xigeenkii hore ee hay'adda sirdoonka qaranka ahna falanqeeye dhanka ammaanka, ayaa dhaleeceyntaan culus u jeediyey Qoorqoor kadib weeraro madaafiic oo xalay lagu duqeeyay Dhuusamareeb.

"Madaxweyne Qoor Qoor, ha fahmo caawa in uu ku fashilmay amnigii iyo dowladnimadii ay reer Galmudug iyo bulsha weynta Soomaaliyeed ka sugayeen," ayuu kusoo qoray boggiisa gaarka ah ee mareegaha Facebook.

Sidda laga soo xigtay Mr Guuleed, dagaalameyaasha Al-Shabaab oo fariisimo ka sameystay duleedka Dhuusamareeb ayaa ka dambeeyay weerarada madaafiicda.

"Waa nasiib daro weyn iyo ceeb in caawa Magaalo madaxdii Galmudug madaafiic Alshabab ku da’ayso," ayuu hadalkiisa ku daray.

Sarkaalka ayaa mar kale kusoo celiyey hadal uu horey uga dhawaajiyey oo ahaa in "Qoorqoor uu wali isku haysto in uu wasiir dowle ka yahay dowladda Farmaajo".

"Amnigu Wuxuu ahaa waxa keliya ee Dadka reer Galmudug haysteen. Horay baan u sheegay in madaxweyne QoorQoor weli aaminsan in uu yahay Wasiiru dowlo ka tirsan xukuumada federal ka ee madaxweyne Farmaajo," ayuu kusoo xiray.

Inta la xaqiijiyey afar qof oo uu ku jiro askari boolis ayaa dhaawacyo ay kasoo gaareen weeraradda madaafiicda oo kusoo aaday iyadda oo Dhuusamareeb la filayo in ay ku shiraan madaxda dowladda federaalka ah iyo maamuladda.

Weerarkaas ayaa si lamid ah wuxuu kusoo hagaagay xillii ay xalay Dhuusamareeb ku hoyden madaxweyne Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Rooble, madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle iyo mas'uuliyiin kale oo xilal sarre haya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM