Qorshaha Istiraatiijiyadda 5-ta sano soo socota Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo la ansixiyey

Image
Qorshahan Istiraatiijiyadda 5-ta sano ee manta la ansixinayo ayaa waxa uu soo maray kulamo wadatashi oo xiriir ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa shirka ansixinta Qorshaha Istiraatiijiyadda 5ta Sano ee soo socota ku qabatay magaalada Muqdisho. Qorshahan Istiraatiijiyadda 5ta sano ee manta la ansixinayo ayaa waxa uu soo maray kulamo wadatashi oo xiriir ah kuwaas oo ka kala dhacay maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Benaadir isla markaana ka wada qayb galeen qaybaha kala duwan bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo hadlay munaasadda ansixinta qoshaha istiraatiijiyadda ayaa waxa uu sheegay in HSJ ay qayb wayn ka qaadato sugidda amniga xuduuddaha dalka la isaga kala gudbo laguna hubinta dadka soo geliya ama ka baxaya dalka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ku ammaanay shaqaalaha iyo saraakiisha ka shaqaysa HSJ in ay shaqo culus u hayaan bulshada una sii dheertahay marka ay yimaadaan xaaladdaha deg dega ah ee loo baahdo fududaynta baasaboor bixinta.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Axmed Siciid Maxamed oo dhankiisa ka hadlay munaasadda ayaa sheegay in Qorshahan manta la ansixiyay uu yahay mid lagu horumarinaayo kaabayaasha HSJ gaar ahaan xarumaha diiwaangelinta iyo Baasaboor bixinta.

Sidoo kale, waxa uu sheegay Agaasimaha Guud in qorshahan qayb ka qaadanayo sidii sare loogu qaadilahaa Aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga, horumarinta aqoonta iyo xirfadda howlwadeenada iyo maamulka iyo Ilaalinta xudduudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM