Qorshe xal waara u ah fatahaadaha Beledwayne oo lasoo bandhigay

Image
Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa wareejiyay lacagtii loogu deeqay fatahaadaha Beledwayne ee ka timid dowladda federaalka iyo Jabuuti.

Kadib markii la qabtay xaflad, guddiga Ganacsatada Fatahaada xarunta gobolka Hiiraan ayaa loo gacan-geliyey lacagtaas oo wadar ahaan gaareysa $1,140,000 [Hal malyan Boqol iyo Afartan kun USD].

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa; Xubno ka tirsan Labada Gole ee Hirshabelle, qeybaha kale duwan ee bulshada magaalada, oo ay hormuud u ahaayeen dhalinyarada iyo wax-garadka.

Lacagta la wareejiyay ayaa ka kala timid;1- $ 600,000 - ka timid Dowlada Djib2- $ 500,000 - Ka timid Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo 3- $ 40,000 - ka timid Gudiga Fatahaada ee heer Qaran.

Wareejinta ayaa kusoo aadeysa todobaadyo kadib markii siyaasiyiin iyo Xildhibaano ay tuhun ka muujiyeen lacagta uu lunsaday Waare, iyagoo ku baaqay in uu caddeeyo kana jawaabo shakigooda.

Waare oo munaasabadda ka hadlay ayaa qiray in xukuumadda Soomaaliya ay cadaadis ku saartay wareejinta lacagta kadib markii dib-u-dhac uu ku yimid isla markaana in muddo ah ay gacantiisa ku jirtay.

Balse wuxuu isku difaacay in ay ka fekerayaan qaab xal waara loogu heli karo fatahaadaha kusoo rogmada magaaladda, oo uu sheegay in maamulkiisu ku filneyn loona baahan yahay in la dhiso biyo-xireen.

"Waxaan rabaa in aan u sheegay shicibka Beledwayne iyo Hiiraan; in xal laga helo fetehaadan lacagtan kuma filna, guddigana kuma filna, HirShabellena maku filna, waa arrin u baahan webigaan in la dhiso, waa arrin u baahan webigaan in la qodo, waa arrin u baahan buundooyinka magaaladda waad la war-qabtaan fetehaadda ayay ka qeyb-qaateen; buundooyinka in la furo si cusub loo dhiso, waa arrin u baahan buundooyin kale illaa laba buundooyin kale ayaan naqshadeynay oo hadda barnaamijkan xalka waara aan ku darnay, laba buundo kale in magaaladda la saaro, waa arrin u baahan fatahaadda sidda tooska ah Itoobiya uga timaada in lagala xaajoodo biyaha maamulkooda; webgii marna nagu qalalo, marna nagu fataho, maamulka webiga in xal laga gaaro arrin u baahan waaye," ayuu raaciyey, isagoo ku baaqay in loo midoobo wax ka qabashada.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Waare ayaa ka dhawaajiyey in dhowaan la saxiixi doono mashruuc Talyaaniga maalgelinayo oo biyo xireen loogu sameynayo Beledwayne, wallow sanadkii hore ay dowladda federaalka ah ka gaabisay.

Dowladda Jarmalka ayuu carabka ku adkeeyay in ay ogolaatay mashruuc biyo-gelin ah oo laga fulinayo guud ahaan magaaladda Beledwayne.

Beledwayne oo qiyaasitii 210 mile u jirta magaala madaxda waddanka ee Muqdisho ayaa waxay sanadihii lasoo dhaafay dhibane u ahayd fatahaadyo uu sameeyo webiga Shabelle kadib marka ay dalka ka curtaan Roobabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo diidey joojinta isticmaalka TikTok

Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa adeegsigiisa bartan waxay sababtay in loogu yeero "Mr TikTok".

  • Soomaliya

    29-04-2024

  • 06:15AM

Madaxwayne Xasan Sheekh oo Nairobi uga qayb-lgalaya shir caalami ah

Shirkan ayaa soo qaban qaabisay Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    29-04-2024

  • 04:50AM