Qoysaska Al-Shabaab oo "ka baxaya" agagaarka Dhuusaamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Xubnaha Al-Shabaab ee qoysaskooda ku nool yihiin agagaarka caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa bilaabay in ay la baxaan caruurtooda, sida ay sheegtay Ahlu Sunna.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa arrintaas ku shaaciyey qoraal uu soo saarey Khamiistii, 27-ka Febraayo, sanadkan 2020.

Ahlu Sunna ayaa Shaakir u doortay madaxweynaha Galmudugu kadib markii ay isku dhaceen Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidda ku xusan bayaanka, daad-gureynta qoysaska iyo caruurta Al-Shabaab waxay ka socotaa meel qiyaastii 40 KM u jirta Dhuusamareeb.

Hadalka madaxii hore ee xukuumada dowlad goboleedkaas ayaa imaanaya iyaddoo maalmihii lasoo dhaafay ay Dhuusamareeb ka dhaceen falal liddi ku ah nabad-gelyadda.

Dhacdooyinkaas ayaa isugu jiray qaraxyo, dilal iyo iska hor-imaad dhexmaray Ciidamadda Dowladda federaalka iyo kuwa Ahlu Sunna.

Dhanka kale, Shaakir ayaa ku eedeeyay xukuumadda in ay wado abaabul ciidan oo ka dhan ah Culimaa'udiinka Ahlu Sunna "ee naf iyo maalba u huray nabada degaanada Galmudug iyo baacsiga Al-Shabaab".

"Dowladda Soomaaliya waxay u muuqaneysaa in aysan la hayn cadow aan Ahlu Sunna ahayn…cadowga Ahlu Sunna iyo dowladda Soomaaliya waa argagixisadda," ayuu Shaakir ku yiri war-saxaafadeed.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Shaakir ayaa cod dheer kusoo jeediyey in laga shaqeeyo siddii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanadda wali baaqiga ku ah gacantooda ee ka tirsan maamulka Galmudug.

Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii Dhuusamareeb lagu qabtay laba ruux, oo la sheegay in ay damacsanaa in ay garsoor u doontaan degaanada Al-Shabaab, waana markii ugu horeysay tobban sano kadib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM