Qoyska Ikraan: Gabadheena kuma iibsaneyno balaayiin doolar

Image
Hay'adda sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay hor-taagan tahay baaritaanka kiiskan.

MUQDISHO, Soomaaliya – Inkasta oo ay isa soo tarayaan sheegashooyin la xiriira "in la dilay" Ikraan Tahliil Faarax, qoyskeeda ayaa wuxuu ku adkeysanayaa "in ay nooshahay" iyo in ay laga maarmaan tahay in ay cadaalad sugan ay hesho.

Dr Xasan Cali Faarax, oo adeer u ah Ikraan, ayaa cod dheer wuxuu daaha ka rogay in aysan diyaar u ahayn "in billions of dollars aan ku iibsano. Iska soo daaya haddii looma kala hari doono".

"Haddii Ikraan Tahliil la dilay dadkii dilay waa naqaanaa. Waqti kasta ha qaadato, qaarado kasta haku noolaadaan, Ikraan cadaalad bay helaysaa one day oo day other," ayuu yiri Dr Xasan oo la hadlay idaacadda VOA-da.

Ikraan oo ka tirsaneyd hay'ada sirdoonka Soomaaliya [NISA] ayaa la waayey shan bilood kahor. NISA waxay 2-dii September xustey in ay u gacan gashay Al-Shabaab lana dilay. Hase ahaatee, kooxda hubeysan way iska fogeysay arrintaas.

Xiisad siyaasadeed ayaa ka dhalatay baaritaanka. Madaxwaynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa isku qabtey. Kadib dhexdhexaadin waxay ku heshiiyeen in aan la siyaasadeyn.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo qoyska Ikraan ay ku eedeeyeen in ay difaaceyso eedeysaneyaasha ayaa lagu waramay in ay carqalad ku tahay baaritaanka kiiska. Barnaamijka Galka Baarista ee VOA Somali oo la xiriiray kama jawaabin.

Sida uu wariyey barnaamijka, muuqaalka CCTV-ga maalinta la waayey Ikraan ayaan la lahayn. Ma cadda in ola kac loo masaxay. Saraakiil ayuu kasoo xigtey in Ikraan lagu dilay degaanka Dhay-tubaako ee Jubada Dhexe 12-kii July.

Agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA, Cabdullaahi Sanbaloolshe, ayaa hoosta ka xariiqay in Ikraan loo beegsadey "dambi siyaasadeed" Ma bixin tafaasiil ku saabsan wuxuu yahay fal-dambiyeedkaas.

"Gabadhaasi dambi siyaasadeed wax la xiriiro ayaa lagu dilay. Dadka dilayna waxay galeen dambi siyaasadeed," ayuu Sanbaloolshe yiri isaga oo tibaaxay in helida muuqaaladda CCTV-yada ay muhiim u yihiin bar-bilowga baaritaanka.

Ikraan ayaa Sanbaloolshe u soo noqotay gacan-yarre waana shaqsiga shaqaalaysiiyey. Sidoo kale, waxay madax kasoo noqotay xafiiska arrimaha xuquuqda aadanaha ee NISA. Markii ugu dambeysay waxay ahayd madaxa amniga internet-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM