Ra’iisul wasaaraha oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Qatar

Image

DOHA, Qatar - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta oo Isniin ah u ambabaxay dalka Qatar, halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex maalmood ah.

Booqashadan waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyey Wasiirka Maaliyada Dr. Cilmi Maxaamud Nuur, Waaiirka Arrimaha Dibadda Abshir Cumar Jaamac, Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabduqaadir, iyo Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhigiisa Qatar kala hadli doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada

Socdaalkan ayaa xigi doona safar uu ra’iisul wasaaraha ku tagi doono Magaalada New work ee Mareykanka si uu uga qeyb galo shir sannadeedka Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM