Ra’iisul Wasaaraha oo daah furay barnaamijka Aqoonsiga Qaran

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay Munaasabad ku beegan maalinta caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha ee 16-ka Sebtembar.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu ku nuux-nuux saday muhiimadda uu barnaamijkan u leeyahay xal u helida caqabadaha dalka ka jira.

Waxa kale oo uu iftiimiyay dadaallada lagu ilaalinayo macluumaadka muwaadiniinta, isagoo ka shidaal qaadanaya sharciyada Danmark, si loo xaqiijiyo nidaam aqoonsi oo sugan oo habaysan.

“Maanta wixii ka dambeeya muwaadiniintayada waxaa la siin doonaa kaarka aqoonsiga dadweynaha, waana xuquuq dastuuri ah oo u sahlaysa inay helaan xuquuq buuxda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa intii ay socotay munaasabadda.

Wuxuu sidoo kale u mahadceliyey Pakistan iyo hay'adaha kale ee taageera sida Bangiga Adduunka iyo UNDP oo gacan ka geystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM