Ra’iisul Wasaaraha oo Hambaliyo u diray Macallimiinta Soomaaliyeed

Image

MUQDIHSO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hamblayeeyey macallimiinta iyo qoysaskooda Maalinta 21 Nofeembar oo ku beegan Maalinta Macalinka Soomaaliyeed.

“Macalimiinta Soomaaliyeed waxay u soo dhabar adaygeen xaalado adag oo ay ku badbaadiyeen jiilal dhan oo iyaga la’aantood maanta aan waxba baran lahayn.” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay qaadatay saddex kun oo macalimiin cusub ah, kuwaasi oo ka hawlgala guud ahaan gobodallada dalka, iyadoo sannadka cusub ee 2024ka ay diyaarisay miisaaniyadda saddex kun oo macalin oo kale.

Maanta ayaa si weyn dalka looga xusay Maalinta Macalinka Soomaaliyeed iyada oo inta badan xarumaha Waxbarshada gobolka Banaadir la fasaxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM